Qarax ka dhacay gudaha Isbitaalka Keysaneey

June 18, 2014 - Written by Editor

Isbitaalka KeysaneeyMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu saaka ka dhacay gudaha Isbitaalka Keysaneey ee duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho waxaana qaraxa la rabay in lagu khaarajiyo laba dhaqtar oo ka howlgala Isbitaalka Keysaneey kuwaas oo kala ah Dr.Cabdul Qaadir Xuseen Jimcaale Xooge iyo Dhaqtar Mahad.

Qarax ayaa waxaa ku dhintay kaaliyihii Dr.Cabdul Qaadir Xuseen Jimcaale Xooge waxaana ku dhaawacmay 7 qof oo kale kuwaas oo isigu jiray bukaan iyo dadweyne soo booqday .Gaariga Dr.Cabdul Qaadir Xuseen Jimcaale Xooge ayaa waxaa lagu soo xiray miinada balse isagii alle wuu ka badbaadiyey.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay qarax ka dhacay maanta Isbitaalka Keysaneey balse waxaa la tuhunsan yahay kooxda Al-Shabaab ee dhaqanka ka dhigatay daadinta dhiiga haldoorka umada Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu wili xasuustaan Qaraxii Hotel Shaamow ee lagu laayey ardaydii soo dhameysay waxbarashada Caafimaad iyo Dhaqaatiirtoodii  iyo kii Hargaha iyo Saamaha ee ardayda lagu laayey.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online