RW C/weli oo u ambabaxay Equatorial Guinea, kana hadlay Heshiiskii maamulka Koonfur Galbeed.[Dhagayso]

June 25, 2014 - Written by Editor

1Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/wali Sh.Axmed Maxamed, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta u ambabaxay dalka Equatorial Guinea , halkaas oo ka dhici doono shirweyne ballaaran oo isugu imanayaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika (AU).Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo shir Jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo kamid tahay ujjeedka socdaalkiisa iyo xaalado bani’aadamnimo oo laga soo sheegayo deegaano ka tirsan gobollada dalka.

“Aniga iyo Wafdiga ila socda waxaan uga qeyb galaynaa dalka Equatorial guinea shirka madaxda Africa, waxaana inta aan ku sugan nahay dalkaas la kulmi doonaa hoggaamiyaasha dalalka Africa oo kala hadli doono arrimo quseeya Soomaaliya iyo guud ahaan mandiqada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhinaca kale tilmaamay qeybo kamid ah gobollada dalka in ay ka jiraan xaalado bani’aadamnimo, wuxuuna ka codsaday shacabka Soomaaliyeed ee wax haysta inay u gurmadaan dadkooda tabaalaysan.

“Waxaa nasoo gaaraya deegaano badan oo dalka kamid ah inay ka jiraan xaalad bani’aadamnimo, xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay caawiso dadkaas dhibaataysan si loogu helo xal maangal ah oo waafaqsan bani’aadamnimada., waxaan maanta la kulmay guddi ka kooban Hay’addaha Qaramada Midoobay ee gargaarka qaabilsan oo Soomaaliya soo booqday si ay xaaladaha jira wax uga qabtaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo tilmaamay dadka ku nool gobollada Koofureed iyo kuwa dhexe ay wajahayaan cunto iyo biyo yari, kaddib markii ay daaheen roobabkii la filayay meelaha qaarna ay go’doomiyeen kooxaha nabad-diidka Al-shabaab.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa mar labaad soo dhaweeyay heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeen dhinacyadii isku hayey maamul u sameynta Lixda iyo Seddexda gobolka ee Koonfur galbeed, isagoo tilmaamay dowladdu inay diyaar u tahay cidii wax ka tabanaysa heshiiskaas in wada hadal lagu dhammeeyo. Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkaan soo saartay digniin tan la mid ah oo sheegeysa in ay suurta gal tahay in Soomaaliya ay ka dhacaan abaaro ay dad badan ku dhintaan haddii aan si dhaqso ah gargaar la gaarsiin gobollada Soomaaliya.

—DHAMAAD—

Hoos ka Dhagayso Shirka Jaraa’id ee Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdiwali Sheekh Axmed

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/i2xsvrzw0r/Codka_Ra_iisul_Wasaaraha_25_June_14.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online