Ra’iisul wasaarah DFS oo ka war-bixiyey socdaalkii uu ku tagay Nairobi ( Dhegeyso )

June 22, 2014 - Written by Editor

3Muqdisho, june 22, 2014 – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo baryihii u dambeeyay safar shaqo ku joogay Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho masuuliyiin ka socday labada gole ee dowladda.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo saxaafadda kula hadlay garoonka Aaden Cadde ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo uu la qaatay madaxda ka tirsan dowladda Kenya iyo wakiilo ka kala socda Hay’ado caalami ah. Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha ee magaalada Nairobi ayaa ahayd ka qeyb galka kulanka 99-aad ee dalalka ku bohoobay African, Caribbean, and Pacific Group of States , laguna soo gaabiyo (ACP) kaasoo ka dhacay magaalada Nairobi.

Ugu horreyntii,  RW Cabdiwali ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta marxuum Wariye Yuusuf Abuukar Keynaan oo shalay u geeriyooday qarax lagu xiray gaarigiisa.

“Dalka Kenya waxaan u tagnay wada hadalo ku saabsan adkaynta xiriirka naga dhexeeya oo aad la socotaan inaan wadaagno wax badan anagoo isla soo qaadnay arrimaha Qaxootiga iyo xiriirka labada dal ka dhexeeya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo dhinaca kale tilmaamay Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya si nabad gelyo ah in dalka loogu soo celin doono ciddii diyaar u ah inay dalkooda ku laabtaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Nairobi wuxuu saxiixay hedshiis dhexmaray Midowga Yurub iyo Soomaaliya , heshiiskan ayaa daba socda marki dhawaan Soomaaliya loo ogolaaday ka mid noqoshada Heshiiska Cotonou.

no images were found

Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa mudadii uu ku sugnaa Kenya wuxuu kulamo kala duwan la qaatay madaxda dalka Kenya sida Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaana ay si gaar ah iskula soo qaadeen xiriirka labada dal ka dhexeeya iyo arrimo kale oo kamid tahay dagaallada lagula jiro kooxaha Nabad-diidka ah iyo qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi ku sugan mudada dheer.

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2014/06/Shirka-Jaraaid-ee-Raiisul-Wasaaraha-.mp3]
DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online