Ra’iisul wasaaraha DFS oo ka qeyb galay kulanka madaxada IGAD (War Saxaafadeed )

June 11, 2014 - Written by Editor

13AdisAbaba:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka qaybgalay Kulankii 26-aad ee aan Caadiga Ahayn ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo xalay lagu soo gabagabeeyay magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia, iyadoo kulankan looga hadlay xaaladda dalka Koonfurta Suudaan.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Hailemariam Dessalegn ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni, Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Mudane William Ruto, Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee Suudan Mudane Bakri Hassan Saleh, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jabuuti Mudane Mahmoud Ali Youssouf, wakiillo ka socday IGAD iyo xubno ka yimid Qaramada Midoobay, China, Midawga Yurub, Norway, Ingiriiska iyo Maraykanka.

Gabagabada kulanka ayaa waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 18 qodob iyadoo Madaxweynaha Koonfurta Suudaan iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisii hore, ahna hoggaamiyaha mucaaradka, Dr. Reik Machar loogu baaqay hirgalinta heshiiskii ay labada dhinac ku wada gaareen magaaladda Addis Ababa 9-kii May, 2014. Waxaa xilligaas lagu heshiiyay in lagu xalliyo dhibaatooyinka ka taagan dalkaas in la joojiyo colaadaha iyo in laga wada hadlo dhismaha dawlad ku-meel-gaar ah oo laga wada qaybgalo si loo gaaro midnimo qaran.

Sidoo kale waxaa loogu baaqay dhinacyada isku haya Koonfurta Suudaan in ay u oggolaadaan shaqaalaha hay’adaha gargaarka in ay kaalmooyin gaarsiiyaan dadka ku nool goobaha khilaafku ka taagan ee Koonfurta Suudaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kulankaasi kadib waxaa uu yiri:

“Waxaan ku faraxsanahay inaan magaca Soomaaliya uga qeyb galay Kulanka 26-aad ee IGAD ee looga hadlay arrimaha khilaafka ka taagan Koonfurta Suudaan. Waxaan mar walba diyaar u nahay in aan kala shaqayno Urur Goboleedka IGAD horumarinta wada-hadalladda iyo dib-u-heshiisiinta gobolka.

“Waxaan ugu baaqayaa Dawladda Koonfurta Suudaan iyo mucaaradkaba in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay u fulin lahaayeen arrimaha ay heshiiska ku gaareen ee lagu soo afjarayo colaadaha.

“Waa arrin muhiim ah in dhammaan dhinacyadu ay ku dadaalaan xal siyaasadeed oo loo wada dhan yahay, waana in ay u oggolaadaan shaqaalaha gargaarka inay gargaarka bani’aadanimo gaarsiiyaan dadka ku nool goobaha ay colaaduhu ka jiraan.

“Waxaan u rajaynaynaa walaaleheenna Koonfurta Suudaan in ay ku guulaystaan wada-hadallada, annaguna waxaan markasta taageersannahay dadaallada lagu xalinnayo kihlaafka

—DHAMAAD—

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPm; @Ridwaanhaji

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online