Sh Umal oo si weyn loogu soo dhaweeyey degmada Carmo ee Gobolka Bari[Masawiro]

June 16, 2014 - Written by Editor

IMG_2852Carmo:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa maanta socdaal dacwadeed uga soo baxay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar aya waxaa uu ku soo hakaday magaalada Waaciye isagoo uga soo gudbay magaalada Carmo ee Gobolka Bari. Wafdiga culimada ah ee uu hogaaminayo Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa markii uu soo gaaray degmada Carmo waxaa soo dhaweeyey masuuliyiinta maamulka degmada Carmo oo uu horkacayey Gudoomiyaha Degmada Carmo Ibraahim Shire Maxamed Saciid , Cuqaal , Nabadoono, iyo dadweyne aad u fara badan.

Sheekh C/raxmaan Bukhaari oo ka mid ah culimada Puntland ayaa ugu horeyn goobta ka hadlay waxa uuna sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiinin Sh Umal iyo wafiga culimada ah ee la socda ay socdaal dacwadeed ku yimaadaan degmada waxaan uu Sh Cabdiraxmaan Bukhaari xusay in ay Sheekh iyo culimada la socota ay soo dhaweynayaan

Guddoomiyaha Degmada Carmo ee Gobolka Bari Eng. Ibraahim Shire oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay soo dhaweeyaan wafdiga culimada ah ee uu hogaaminayey Sh Maxamed Cabdi Umal. Dhinaca kale Guddoomiyaha Degmada Carmo Eng. Ibraahim Shire ayaa sidoo kale sheegay in amaanka degmada Carmo uu yahay mid wanaagsan shacabka iyo maamulka oo isku duubana ay ka shaqeeyeen siddii amaanka guud ee degmada Carmo u hagaagi lahaa.

Sh.Maxamed Cabdi Umal iyo culimada ku weheliya socdaalkiisa ayaa waxaa ay caawa u hoyanayaan degmada Carmo waxaa la filayaa in caawa ay kulamo iyo dardaarno kale duwan ay siinayaan shacabka , Cuqaasha , Nabadoonada , Ganacsatada iyo weliba masuuliyiinta degmada Carmo.

no images were found

Source :Masawirada HorseedMedia

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online