Sh Umal oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso[Masawiro]

June 17, 2014 - Written by Editor

IMG_2963Boosaaso:-Waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo wafdi culimo ah oo maalmahaan ku marayey socdaal dacwadeed goboladda iyo degaano ka tirsan Puntland. Wafdiga culimada ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal la socday ayaa waxaa deegaanka Faluuja oo 70 Km u jira Boosaas waxaa ku si diiran ugu soo dhaweeyey madaxda Maamulka Gobolka Bari , kan degmada ,Issimo , Cuqaal ,Nabadoono , ganacsato, aqoonyahano, cilima’udiin, wasiiro ka tirsan dowladda Puntland iyo masuuliyiin ka tirsan Mu’asasada Minhaaj.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu xalay u hoyday degmada Carmo waxaan uu sidoo kale ku soo hakaday Waaciyo oo si diiran loogu soo dhaweeyey isagoo kulan gaar ah la qaatay Issimo, cuqaal, Nabadoono , Culimo’udiin, Waxgaradka iyo masuuliyiinta maamulka Waaciya axaan u u jeediyey wacdi iyo dardaaran qiimo badan.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa markii uu soo gaaray degaanka Faluuja waxaa uu gacan qaasay dadkii soo dhaweeynayey oo ay ku jiraan masuuliyinta ugu saraysay Gobolka Bariculimo’udiin, Issimo. Duqa degmada Bosaso iyo Sh Maxamed Macalin ayaa Shiikha soo dhaweeyey waxaan ay u jeediyeen dadweynaha rer Boosaso in ay Shiikhu ay ka faa’iidaystaan inat uu Shiikhu ku sugan Boosaaso oo uu Sh Umal ka jeedin dono muxaadaraad taxane ah Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online