Sh.Umal oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Burco[Video/Masawiro]

June 2, 2014 - Written by Editor

1Burco:-Waxaa maanta gaaray magaalada Burco xarunta gobolka togdheer si diiran loogu dhaweeyey Sh, Maxamed cabdi Umal oo ka mida Culimada waaweyn ee caanka ka ah dalka Soomaaliya iyo Geeska Afrika .Soo dhawaynta Shiikh Umal ayaa waxaa ka qayb qaatay  Maamulka  gobolka Togdheer oo uu hogaaminayo Badhasaabka gobolka togdheer  Maxamed Muuse Diiriye, Maayarka Burco Ustaad Maxamed Muraad, Gudoomiyaha  Jaamacadda Burco Prof Saleebaan dirir,  Shiikh cali warsame xasan, Sh.Dr,  xasan shiikh cali Warsame , Sh.Dr, faysal maxamd cali, maamulka machadka Al-imaamu shaafici Sh.yuusuf maxamuud diiriye,  Sh, c/laahi baashe daahir, Sh cabdi qani aw saalax, maamulka jamciyada dacwada ee Al-karam, xubno ka tirsan Ciidanka amniga ee Gobolka, culimo’audiin , waxgarad  iyo dadweyne aad u farabadan.

Sheekh. Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uga hortegay magaalada Shiikh oo 60 Km dhinac Waqooyi ka xigta magaalada Burco gawaadhi aad fara badan oo ay saarnaayeen  wufuud kale duwan oo ka qayb qaadanayey soo dhaweynaysay Sh Maxamed Cabdi Umal oo ay horkacayeen culimada gobolka Togdheer.

Ugu horayn waxaa halkaas kelmad soo dhaweyn ah ka jediyey fadiilatu Shiikh Cali Warsame Xassan oo  sheekha kusoo dhaweeyey magaalada Burco isagoo Shiikh Cali Warsame xusay in magaalada Burco ay tahay  xaruntii dacwada Soomaliya laga aasaasay. Intaas ka dib ayaa Sheekh. Umal  waxaa uu mahad balaaran u jeediyey dadweynihii , masuuliyiinta Gobolka Togdheer, Culimadii ku soo dhaweysay magaalada Burco.

Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa socdaal dacwo ku jooga S/land waxaana uu ka jeediyey muxaadarooyin iyo khudbado uu kaga hadlay mawduucyo kala duwan,iyadoo dadweynuhuna su’aalo ay weydiinayeen. Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu socdaal dacwo ku maray Hargeysa,Boorame  ,Gabiley,Wajale , Berbera, Dilla iyo magaalada Burco oo uu gaaray maanta.

no images were found

Hoos ka Daawo sidda loogu soo dhaweeyey Sheekh.Maxamed Cabdi Umal magaalada Burco [Horn Cabletv]

Hoos ka Daawo sidda loogu soo dhaweeyey Sh.Umal magaalada Burco [Slland TV Abdilmalik Musa Coldoon]

Halgan.net
Qoraalka Masawirada Musasat Al-Karam

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online