Sh. Maxamed Cabdi Umal oo tegay Waaciya iyo Carmo si weyna loogu soo dhaweeyey
June 16, 2014 - Written by EditorQardho:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo maalmahan safar dacwo ku marayey Puntland, ayaa saaka waxaa la filayaa in uu ka ambabaxo magaalada Qardho , Sheekha ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay waxa uu muxaadaraad ku qabtay masaajidka Cumar Ibnu Khadaab, waxaana labada muxaadaro ay kala ahaayeen, mid uu uga hadlay Takfiirka iyo tan labaad oo uu uga hadlay dacwada iyo muhiimaddeeda.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa labadii maalmood ee uu joogay magaalada Qardho, waxa uu la kulmay boqorka beelaha Daarood, Boqor Burhaan Boqor Muuse waxaana boqorku u sameeyey soo dhaweyn balaaran, isagoona sheekhu sidoo kale la kulmay issimada iyo nabadoonnada, iyagoo ka wada hadlay sida ugu habboon ee bulshada loo hoggaamin karo.
Sheekh Umal, ayaa sidoo kale gabdhaha magaalada u jeediyey muxaadaro gaar ah, iyadoo dadweynaha magaalada ay aad uga faa’iideysteen sheekha.Saaka aroortii ayuu sheekhu ka ambabaxay magaalada Qardho, isagoona ku sii hakanaya degmooyinka Waaciya iyo Carmo, halkaasoo lagu wado inuu caawa joogi doono, haddii Illaahay idmo, waxaana sida qorshuhu yahay uu berri subax gaari doonaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasoo si aad ah looga sugayo.
Sh. Maxamed Cabdi Umal, ayaa waxa uu muddo dhowr bilood ah ku guda jiray safar dacwo, kaasoo uu ku soo maray dhul aad u balaaran, isagoo ugu dambeyntiina gobollada Puntland, loogu soo dhaweeyey si aan horey loo arag.
Somalireal- Halgan.net
Qardho, Somalia