Sh Maxamed Idirs Waa Nabad Qabaa…Geeriduna waa xaq.

June 10, 2014 - Written by Editor

idirsWaxaa Halgan.net soo gaaray nuqul qoraal ah oo ka yimid Sh Maxamed Idirs oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed haddana ku sugan dalka Maraykanka , Sh Maxamed Idirs ayaa qoraalkiisa ku sheegay in uu Nabad qabo balse geeridu ay tahay xaq. Sh Maxamed Idirs ayaa qoraalkiisa ku xusay in uu jiro wadaad ay isku magac yihiin oo saaka Salaadii subax lagu dilay magaalada Mombaza- ee dalka Kenya magaciisa la yiraahdo Sh. Mohaed Idris dad badan ay u maleeyeen in Sh Maxamed Idirs  ayna la soo xiriireen.

Sh. Mxamed Idris ayaa noo sheegay in wadaadka la dilay ee reer Mombaza uu aqoon u lahaa  uuna ahaa wadaad ka soo baxay Jaamaca Islaamiya ,Sheekha la dilay ayaa waxaa Alle uga baryeynaa in uu u naxariisto.

Qoraalka Sh Maxamed Idirs ayaa waxaa uu u qornaa sida tan

Waa Nabad Qabaa…Geeriduna waa xaq….

Maanta waxaa magaalada Mombasa lagu diley sheekh reer Mombasa ah oo sawaaxiliya ilana magac ah oo la yiraahdo Sh. Mohaed Idris. Dad badan ayaa aniga u maleeyey oo meela badan iga soo wacay. Haddaba anigu waa nabad qabaa, waqooyiga Maraykan ayaan hadda ku suga nahay, geeriduna waa xaq, sheekha ila magacaana waan aqiin allaha u naxariisto, isagoo salaadii subax saaka u socda ayaa la diley, allaha u naxariisto, fitnada adduun iyo tan aakhirana allaha naga badbaadiyo, aamiin.

Sh Maxamed Idirs
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online