Sh Maxamed Umal oo caawa muxaadaro ka jeediyey Masjidka Al-Madiina ee magaalada Burco

June 4, 2014 - Written by Editor

burBurco:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa caawa muxaadaro ka jeediyey masaajidka Al-Madiina ee magaalada Burco wuxuuna sidoo kale kulamo kala duwan la yeeshay ganacsatada ,culimada,iyo madaxda gobalka togdheer.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa safar dacwadeed ku joogay magaalada Burco ayaa caawa muxaadaro qiimo badan ka jeediyey Masaajidka Al-Madiina ee magaalada Burco.Muxaadaradan oo ciwaankeedu ahaa المنهج الصحيح في الدعوة إلى الله ayaa Sheekhu waxa uu kaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin :

1-ahmiyada dacwada iyo waajibka ka saran qofkasta oo muslim ah
2-hadafka iyo u jeedada dacwada in laga dhigo raali galinta allaah
3-cilmiga sharciga ah in lagu dadaalo
4-in dacwada lugu gudbiyo si dabacsan oo aan adkayn
5-in arimaha dacwada loo kala hormariyo sida ay u kala muhiimsanyihiin
6-in la nidaamiyo arimaha dacwada laguna kala danbeyo iyo qodobo kale oo aad u muhiim ah oo sheekhu kula dardaarmay ka soo qayb galayaashii muxaadarada in ay ku dadaalaan.

Dhanka kale Sheikh Maxamed Cabdi umal ayaa maanta sidoo kale kulan layeeshay ganacsatada magaalada burco.Kulankan oo ka dhacay hotel Deero ee magaalada burco,ganacsatada ayaa sheekha uga faa,iidaystay su,aalo aad u tiro badan oo ku saabsan arimaha ganacsiga.

Sidoo kale sheekha ayaa waxa kulan casho ah caawa la qaatay madaxda heer gobol iyo dagmo.
Madaxda kulankan ka soo qayb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa :

Badhasaabka gobolka togdheer,maayirka magaalada burco,maayir ku xigeenka ,jananka ciidamada booliska ,xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada gobolka togdheer,qaar ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka ee gobolka togdheer.

Dhamaan madaxda kulanka ka soo qayb gashay ayaa waxay ka dhawaajiyeen in ay aad u soo dhawaynayaan sheikh Maxamed Cabdi umal iyo in ay uga mahad naqayaan sida uu ugu faa,iideeyey guud ahaan s/land gaar ahaana magaalada Burco.

Sheikh ayaa isna dhankiisa uga mahad naqay Madaxada s/land sida ay u soo dhawaysay waxanu ku amaanay amniga , isku duubnida iyo is kaashiga dawlada iyo culimada isaga oo ugu baaqay in ay sii adkeeyaan arintaas.

Sheekh Maxamed Cabdi umal oo safar aad u dheer oo dacwadeed ku soo maray meelo kala duwan ayaa waxa uu hadda ku sugan yahay magaalada Burco oo uu sheekha ay ugu danbaysay muddo hadda laga joogo in ka badan 20 sanno.

Masawirada dib baan idiinka soo gudbin doonaa Inshalaah

Musasat Al-Karam
Burco

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online