Sh Umal oo booqasho ku tagay Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garowe[Masawiro]
June 12, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa saaka waxaa uu booqasho ku tegay Jaamacada bariga Afrika farceeda magaalada Garowe wuxuuna sheekhu la kulmay Boqolaal ardayda ah oo wax ka dhigta Jaamacada Bariga Afrikaoo iyago si weyn u soo dhaweeyey Shiikha Arday ahaan iyo maamul ahaanba.
Sheekh Cabdi Qani Qorane ayaa waxaa warbixn gaar ah uu siiyey Sh Maxamed Cabdi Umal isagoo uga waramay xaaladda Jaamacadda Bariga afrika ka dibna waxaa uu ka codsaday ardayda iyo maamulkaba in wixii talo ama waano ah ay ka dhagaysytaan Sh Maxamed Cabdi Umal oo hadda ku sugan magaalada Garoowe taasna ay u tahay fursada weyn ardayda iyo Shaqaalaha Jaamacadda Bariga Afrika Fareecda Garoowe.
Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah Maamulaha Jaamacada Bariga Afrika faraceed Garoowe ayaa waxaa uu jeediyey hadal soo dhaweyn ah oo uu Sheekh Umal uu ku soo dhaweynayo Jaamacadda oo ay hadda dhigtaan Boqolaal Arday ah waxaan uu tilmamay in ay fursada qaali ah u tahay in maanta ay Jaamacdda bariga Afrika ay ku soo dhaweeyaan Sh Maxamed Cabdi Umal.
Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu hadal dardaaran ah oo qiimo badan waxaa uu u jeediyey Ardayda , maamulka iyo shaqaalaha Jamacadda bariga Afrika faraceeda Garoowe isagoo kula dardaarmay in wixii ay barteen ay bulshada u gudbiyaan maadaam aqoontooda aad ay ugu baahan yihiin bulshada.
Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu ardayda ku booriyey in fursada ay haysataan aysan lumi oo ah caafimaadka , waqtiga iyo amniga oo aan maanta meelo badan oo soomaaliya ah aysan ka jirin sidaas darteedna loo baahan yahay in aqoonta diinta iyo mid maadiga ahba ay xoogga saaraan in ay bartaan si beri ay dalkooda iyo dadkooda u anfacaan.
Sheekh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa kale oo uu ardayda kula dardaarmay in ay ka fogaadaan xinka , Xaasidnimada iyo Qabyaalada oo ah wax dhaawaci kara sharafta qofka muslinka ah.
Ugu danbayntii ayaa waxaa uu Sheekh.Maxamed Cabdi Umal uu xusay in dadka ka yimid Qurbaha aysan waajibkooda si wanaagsan u gudan balse ay dalka ku soo kordhiyaan fasaad iyo xumaan halkii ay aqoontii ay soo barteen dalkooda uga faa’iidayn lahaayeen.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net