Sh Umal oo caawa mar kale muxaadaro ka jeedyey Masjid Jaamaca Laascaanood[Masawiro]
June 8, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa Caawa ka dhacdey Masjid Jaamaca Weyn ee magaalada Laascaanood Muxaadaradii u danbeysey oo uu ka Jeediyey Sh.Maxamed Cabdi Umal oo habeenkii Saddexaad ka galaya Muxaadarooyina Taxane ah oo uu maalin iyo Habeen wadey Shiikhu wuxuu Jeeediyey Muxaadaro Cinwanakeedu yahay : Sidee Loo Ilaalinkaraa Midnimada Ummada Islaamka .
Wuxuu Shiikhu aad uga waramey Qawaacidda uu Alle u dejiyey Ilaalinta Midnimada Islaamka , sidoo kale Wuxuu Shiikhu kale oo ka waramey wixii ay ka Tidhi Iskhilaafka iyo Kala Didida Ummada iyo Dhibaatooyinka ka Dhalanaya Hadii laga Leexdo Midoobida iyo Raacidda Wadadii Alle jeexey . Markii uu Shiikhu Dhameeyey Waxaa Kaloo Ka Hadley Culimo Kale , oo Shiikha Safarkiisa Dacwadeed ku Wehelinayey , Sidoo Kale Waxaa ka Hadley Gudoomiyaha Mus’asasada ALKARAM Faraceedda Gobolka Sool SH Axmed Muxamed Suleymaan.
Waxaa Kaloo Ugu Danbeyntii Hadalka Soo Gabgabeeye Shiikh C/Naasir Xaaji Axmed oo Bulshada Reer Laasacaanood Ugu Baaqey Inay Ku Dhaqmaan Wixii Waano iyo cilmi ah ee uu Shiikhu u Faa’iideeyey .Ugu Danbeyntii Shiikh Maxmed Cabdi Umal ayey Gudoonsiiyeen Hadyad Qaali ah , oo ay Ugu Talagaleen Bulshada Reer Laascaanood Gaar ahaan Hablaha Ka Qalin Jabiyey Mac-hadka Alfurqaan ee Barashada Diinta iyo Draasaadka Islaamka.
Hidyadan oo ahayd Hidyad ah:Dhar Hiddo iyo Dhaqan iyo Bakoooradii Odayaasha Soomaaliyeed ee Quruxda Badneyd . Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa aad ugu Farxey , Kana Guddoomey Wakiilkii Bulshada Laascaanood ee Sh C/Naasir xaaji Axmed.
Waxey U bixiyeen Reer Lacaaanood Sh.Maxamed Cabdi Umal (Abulgeyth) , Culimadii La Socotey Shiikhana Waxey U bixiyeen Magaalda Laascanood Magac kaasoo ahaa :(LAASKII CILMIGA ) Halkii la Odhan Jirey Laascaaanood. Shiikha Markii uu soo galayey Laaska Cilmiga waxaa lagu soo dhaweeyey Hiddaha iyo Dhaqanka , Waxaanu lagu Sagootiyey Hadyad Qaali ah oo Hidde iyo Dhaqan ah . Sh.Maxamed Cabdi Umal Wuxuu Maanta u Duceeyey mar Muxaadaro u Jeedinayey Bulshada Reer Laascaaanood , Soomaali ,iyo Ummada Muslimiinta ah . no images were found
Musasat Al-Karam
Laascaanood
Machadka Al-furqaan