Sh.Umal oo maanta Muxaadaro u jeediyay Ganacsatada Magaalada Boosaaso [Cod/Masawiro]

June 19, 2014 - Written by Editor

SH (15)Boosaaso:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo booqasho Dacwadeed ku jooga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari ayaa waxa uu maanta muxaadaro  qiima badan u jeediyay  Ganacsatada ku nool Magaalada Bosaaso, iyadoo muxaadarada sheekhu  inta badan ay ku wajahneyd Ganacsiga ku banaan Diinteena Islaamka . Sheekha ayaa ugu horeynba waxa uu ku booriyay Ganacsatadii ka soo qeybgashay Dhageysiga Muxaadaradii Maanta  in alle S.W ay ku shukriyaan nimcadan balaaran ee uu siiyay, ayna aqoon sharci ah u yeeshaan waxay ay ka ganacsanayaan  xalaal ahaantooda.

Sheekha ayaa intii uu waday muxaadaradiisa waxa uu kusoo qaatay tusaalooyin wanaagsan oo ku saabsan ganacsiga xalaashaa ah,wuxuuna ugu baaqay Ganacsatada in hawsha adag ay maanta u hayaan shacabka soomaaliyeed  ay ku eegaan aragti fog oo ku saabsan aqoon dheeraad oo ay uyeeshaan Ganacsiga ku banaan Diinteena Islaamka ayna rabbigooda uga baqaan.

Sidoo kale sheekh Umal ayaa ku dhiira galiyay Ganacsatada inay ka qeyb qaataan dawrka ay ku leeyihiin Dacwada Alle S.W, waxa uuna sidoo kale uu xusay sheekhu  in wixii ka dambeeyay Burburkii Dawladii soomaaliya in Ganacsatada Soomaaliyeed ay dawr libaax leh ka qaateen Hormarinta Dacwada hadana looga sii baahanyahay inay sii laba laabaan dadaalkaasi.

Inta badan muxaadaradii sheekha usoo jeedinayay Ganacsatada ayaa sidoo kale waxa uu diirada ku saarayay Ribada Iyo qaababka wanaagsan ee la isaga ilaalin karo,isagoona ku dhiira galiyay ganacsatada inay uyeeshaan aqoon ay ku garan karaan waxyaabaha keeni kara rabida ee maalkooda xaaraanta ka dhigi kara.

Sidoo  kale sheekha ayaa waxa uu ku baraarujiyay Gnaacsatada inay  wax weyn ay tahay hawsha balaaran ay maanta u hayaan walaalahooda muslimiinta ah ay wanaagsantahay in la istaakuleeyo,maadaama maanta aad arkayso shirkadd uu aas aasay hal shakhsi ay ka hawlgalayaan Boqolaal qof oo jaaniskan ka faa’ideysanaya.

Ugu danbayntii Muxaadarada sheekha ayaa waxa uu kula dardaarmay Ganacsatada inay ka qeybqaataan sidii lagu hormarin lahaa Dacwada Alle S.W,iyo inay masuuliyada iska saaraan shaqadan adag ay u hayaan walaalahooda muslimiinta ah,ayna dareemaan xilka weyn ee maanta ka saaran Bulshada Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee gabagabadii muxaadarada sheekh Maxamed Cabdi Umal  uu maanta u jeedinayay Ganacsatada Magaalada Boosaaso ayaa ugu dambeyntii waxay Ganacsatadu  ay weydiiyeen sheekha su’aalo badan oo ku saabsan Ganacsiga, iyadoona sheekha uu dhammaantood uu uga jawaabayay su’aalihii ay weydiinayeen Ganacsatada.

no images were found

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/gstdrfiyme/Kulanka_Ganacsiga_Iyo_Sh.Maxamed_Cabdi_Umal_..mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Mu’asasada Al Minhaaj
Bosaso,Puntland,Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online