Sh.Umal oo muxaadaro ka jeediyey caawa Masjidka Jaamica ee Laascaanood
June 6, 2014 - Written by EditorMagaalada Laascaanood ayaa caawa waxaa ay ka duwan tahay habeenadii hore waxaana magaalada iyo Masjidka Jaamica ee magaalada Laascaanood soo camiray dadweyna aad u tiro badan si ay u dhageystaan muxaadaradi ugu horeysay oo uu jeediyey Sh.Maxamed Cabdi Umal. Sheekh Maxamed cabdi Umal ayaa caawa waxaa uu muxaadaro cinwaankeeda uu yahay Xuquuqda Mustafaa CSW ka jeediyey Masjidka Jaamica ee magaalada laascaanood.
Cuqaal wax garad culuma,udiin iyo shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaan u kala harin soo dhaweynta Sh. Maxamed Cabdi Umal taasna waxay xaqiijisay sida shacabka Soomaaliyeed ay culumadooda u jecel yihiin oo ay ugu xiran yihiin. Muxaadarada Sheekh Maxamed Cabdi umal uu ka jeediyey Masjidka jaamaca ee Laascaanood ayaan idiin soo gudbin doonaa marka ay na soo gaarto
Musasada Al-Karam
Laascaanood
Halgan.net