Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo nabad ku gaaray magaalada Nairobi.

June 22, 2014 - Written by Editor

madaarka1Nairobi:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa si nabad galyo ah uga ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Egal international waxaana Sheekh si weyn u sii sagootoyey culumada iyo ducaada ku dhaqan magaalada Hargeysa ee xarunta S/land

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa safar dacwadeed oo dheer waxaa uu ku soo maraya qaybo ka mid ah gayiga soomaalidu dagto gaar ahaan dowlad deegaanka Itoobiya,S/land iyo Puntland waxaana uu halkaas ka jeediyey muxaadarooyin kala duwan kuwaas oo aad looga faa,deystay.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah ayaa intii aanu ka anba bixin magaalada Hargeysa waxaa uu kulan sagootin ah la qaatay qaar ka mid ah salaadiinta,culimada , ducaada, ku dhaqan magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Jaamac oo aad ugu mahad celiyey sheekha, sidoo kale waxa ka hadlay goobta Suldaan Muxamed Xasan oo isna ku dheeraaday taariikhdii dacwadu soomartay iyo in loo baahanyahay in boodhka laga jafo.

garoonka2Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo soo gunaanaday kulankan ayaa waxa uu ka mahad celiyey soo dhawaynta uu kala kulmay dhamaan culumada waxgaradka iyo dhamaan dadweynaha qeybahiisa kala duwan deegaanadii uu soo maray wuxuuna Sheekha sheegay in uu aad ugu farxay ififaalada kheyrka ah ee dalka ka jira wuxuuna la dardaarmay culumada iyo ducaada isaga oo ugu baaqay in ay u dhabar adeygaan dacwada loona huo naf iyo maalba

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa si nabad galyo ah ku gaaray magaalada Nairobi halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen culumada iyo ducaad.

Musasat Al-Karam
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online