Sheekh Maxamed Umal oo la dardaarmay waxgaradka iyo Masuuliinta Qardho (Masawiro)
June 16, 2014 - Written by EditorQardho:-Waxaa maalinmadii axada 15/06/2014 saacadu marakay ahayd 9:30 ka bilowday hoolka Gufure Hotel ee Magaalada Qardho muxaadaro Fadiilatu Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu u jeediyey Guurtida iyo qaybaha maamulka, ganacsatada,aqoonyahanka, iyo haldoorka degmada Qardho.
Waxa uu sheeku jeediye kalmad uu ugu magac daray Waano iyo is xasuusin kalmadaa oo aad u qiimo badnayd cajabna lahayd uu ku xasuusiyey Sheeku qodobadan soo socda.
1-Ku shugrinta nimcooyinka Alle ugu galaday adoomihiisa oo ay ugu horayso uguna wayn tahay nimcada islaanimad, amniga , caafimaadka , xasiloonida , iyo dhamaan nimcooyinka kale waxa uuna tibaaxay in ay waajib tay in alle loogu mahad naqo mar walba iyo goob walba oo la joogo.
2-Xasuusinta labaad waxa uu sheekhu kaga hadlay sid uu islaamku muhiim uga dhigay in la ilaaliyo nidaamka iyo kala danbaynta umada dhexdeeda ah laga bilaabo qoyska, oo raga mas,uul looga dhigay, lagu xejiyo sadexda qof oo uu amray nabigu صلى الله عليه وسلم inay qof Amiir ah samaystaan ilaa uu gaaray Dawlad iyo nidaamka guud, wuxuu sheekhu ku dheeraaday ahmiyada kala danbaynta iyo sooyaalkii muslimiinta isagoo ku waaniyey in la ilaaliyo, fawdada iyo isgarab yaaca soomali ku jirtona aysan dan u ahayn shacabka iyo umada soomaliyeed.
3-Xasuusinta sadexaad sheekhu- eebe ha dhawree- waxa uu kaga hadlay sida islaamku muhimda u siiyey In loo adeego bulshada iyo danaha caamka ah, isaga oo tilmaamay fadliga iyo dheeraadka uu islaamku siiyey arinkaa, isaga oo dhamaan ku tirtirsiiyey in aan laga daalin shaqada oo ah mid diinku u yimi in la islaaxiyo dhamaan bulshada danaheed aduun iyo akhiroba laga shaqeeyo.
4-Tan afraad sheekhu wax uu ku dheeraaday in qofka muslimka ah looga baahan yahay haduu mas,uul yahay meel loo dhiibay, iyo hadii uu dhaqan iyo dawldba uu wax u hayo inuu dareen mas,uuliyadeed leeyahay ,ogaadana in alle uu kala xisaabtami doono mas,uuliyada loo igmaday uuna ilaah ugaga boqo mas,uuliyadaa. Dhawrona xilka loo igmaday
5-Xasuusinta shanaad wax sheekhu kaga hadlay dhawrida hantida guud ee umada ka dhaxaysa iyo maalka caamka ah, sheekhu waxa uu aad ugu dheeraaday ilaalinta hantida guud, isaga oo tilmaamay sida ay diintu uga digtay ku takri falida hantida guud,
6-Xasuusinta lixaad waxa sheekhu kaga hadlay halaaga iyo buruburk a ay dhaxal siiyeen Qabyaalada iyo Qaadku umada soomaaliyeed iyo dhibaatada ay u gaysteen danahooda aduun, waxa kale oo uu tilmaamay sida ay shareecadu u xaarantimaysay ugana digtay labadaa cudur ee halaaga ah waxauuna soo qaatay tusaalayaal badan oo si dhaw kazoo qaybgalayaashu uga fahmayeen dhibta ay leeyihiin.
no images were found
7 Ugu danbayntii Sheekhu waxa uu ilaah uga baryey in umada soomaaliyeed dhamaan ilaahay ilaaliyo kana fogeeyo wax dhibaya diinkooda iyo aduunkoodaba, waxaa halakaa lagu waydiiyey Sheekha su,aalo ay aad ugu baahi qabeen oo khuseeya hawl maalmeedkooda iyo degaanka ku xeeran iyo mas,uuliyada ay hayaan isaga oo fadiilatu sheekhuna si waafi ah uga jawaabay kana shaafiyey su,aalihii ay qabeen .
8 Gabagabadii waxay dhamaan ka soo qayb galayaashii u mahad cliyeen Sheekha iyagoo ilaah uga baryey inuu xifdiyo kana dhawro wax walba oo dhiba kana codsaday inuu marar badan ku soo noqnoqdo.
Xafiiska Mu,sasada al Minhaaj Qardho