Taliyaha ciidanka dalka Sierra Leone oo tegay magaalada Kismaayo

June 2, 2014 - Written by Editor

taliyeKismaayo:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Kismaay ee xarunta gobolka jubbada Hoose Taliyaha ciidamada dalka Sierra Leone Samuel Omar Williams , safarka taliyahaan ayaan horay loo sii shaacin  ayaa waxaa uu u jeedkiisu yahay in Taliyaha ciidanka dalka Sierra Leone Samuel Omar Williams uu wax ka ogaado xaaladda ciidanka Sierra Leone ee ku sugan Kismaayo.

Warbaahinta AMISOM ayaa waxaa sheegtay in Taliyaha ciidamada dalka Sierra Leone Samuel Omar Williams uu ku sugnaan doono magaalada Kismaayo mudo labo cisho ah mana jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay madaxda maamulka KMG ee Jubba.

Taliyaha ciidamada dalka Sierra Leone Samuel Omar Williams ayaa waxaa uu ka yimid dhinac  magaalada Muqdisho oo uu soo gaaray shalay isagoo kulamo la qaatady saraakiisha ciidanka shisheeyey ee AMISOM ee ku sugan Muqdisho waxaa uu si gaar ah ula kulmay Taliyaha ciidanka AMISOM Gen.Silas Ntigurirwa.

Booqashada uu shalay ku yimid Soomaaliya Taliyaha ciidamada dalka Sierra Leone Samuel Omar Williams  ayaa waxaa ay noqonaysaa markii ugu horeeyey oo Taliye ama masuul ka tirsan dalka Sierra Leone  uu ku yimaado gudaha Soomaaliya ilaa intii Dowladda Sierra Leone ay ciidamo u soo dirtay dalka Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan ciidamada shisheeyey ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online