Ururka Beder oo dowro u qabtay Ardayda ka baxday Machadka Al- Faaruuq

June 18, 2014 - Written by Editor

DSC03238Gaalkacyo:-Dawradaani oo noqonaysa Dawradii labaad ee nooceeda ah uuna qabto Ururka Beder ee Ardayda ka baxday Machadka Al- Faaruuq ayaa waxaa ay soconaysaa Muddo bil ah. Dawrada oo loogu tala galay in kor loogu qaado aqoonta Dhalinyarada ee la xariirta Dhanka Cilmiga Shareecada ee Diinta Islaamka ayaa waxaa ka faaidaysanaya Dhalinyaro Wiilal iyo Gabdhaba leh waxaana ay ku qaadanayaa Maadooyin 5 ah oo kala : البحث العلمي ، القواعد الفقهية ، الفرائض ، مصطلح الحديث مذكرة (دور الشباب في المجتمع).

Dawrada ayaa Casharadeeda waxaa lagu qaadanayaa Xurunta Jaamacada Bariga Afrika ee Magaalada Gaalkacyo waxaana wax ka dhigaya Macalimiin heer Jaamacadeed ah oo Xubno ka ah Ururka Beder. Dawrada ayaa waxaa bilowgeeda kasoo qayb Galay Gudoomiyaha Ururka
Beder Muxamed Cabdulaahi Cali , Gudoomiyaha Dalada Amal ee Ardayda kabaxday Macaahida Shareecada , Tabaraha Da’da yar Axmed Muxamed Xirsi (Faratooyo) iyo qaar kamida Macalimiinta Dawrada wax ka dhigaya.

Dhamaan Masuuliyiintii ka soo qayb galay Bilowga Dawrda ayaa waxaa ay Ardayda ku dhiiri galiyeen inay ku dadaalaan Waxbarashada iyada oo Gudoomiyaha Dalada Amal uu ku dheeraaday ka hadalka Cilmiga iyo Fadligiisa isaga oo si gaar ah u tilmaamay in Cilmigu uu ka
qaalisan yahay wax walba tuug kasta oo isku daya in uu kaa xadana uusan awoodayn in uu kaa furto.

Axmed Muxamed Xirsi oo ah Tababare aad ugu xeel dheer Arimaha Bulshada ayaa waxaa uu ardayda u balan qaaday in uu uga faa’iidayn doono Aqoontiisa Maalmaha Khamiista isaga oo Ardayda usoo bandhigay qaar kamida Mawduucyada uu damacsanyahay in uu usoo jeediyo.
Maamulka Ururka Beder oo isagu Dawradaani qabanaya ayaa waxaa uu sheegay Ardaydu marka ay dhamaystaan Dawrada in uu jiri doono Imtixaan lagu ogaanayo Aqoonta ay Ardadu xanbaareen inta ay le egtahay , iyada oo Ardayda Kaalmaha koowaad gashana la gudoonsiin doono Zaaizooyin Qiima badan , guud ahaan Ardaydan lagu doonsiin doono Shahaado Cadaynaysa in uu Dawradaasi kaqayb galay.

Si kastaba ahaa Dawradaani ayaa waxaa ay qayb wayn ka tahay Nashaadaadka Dacwada ee Ururka Beder uu xiliga xagaaga ah ka qabto
Magaalada Gaalkacyo.

Cabdiraxmaan Bilaal Caad (Sanka)
Galkacyo, Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online