Wafti uu Hogaaminayay Qunsulka Dowladda Turkiga ee Soomaliya oo lagu soo dhaweeyey Boosaaso[Masawiro]
June 8, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Wafdi uu hogaaminayay qunsulka safaarada Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Cumar Faaruuq ayaa maanta waxaa lagu soo dhaweeyay magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland. Soo dhawaynta Waftigaasi waxaa ka qayb qaatay Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland, Waxgarad,Maamulka Gobolka Barri,Maamulka Degmada Boosaaso,Haween,Dhalinyaro,Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowlada Puntland iyo Masuuliyiin kale .
Dadwaynaha Boosaaso oo si kal iyo Laab ah uga qayb qaatay soo dhaweynta Waftigaasi ayaa safnaa hareeraha Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Boosaaso,iyagoona watey Calamada Dowlada Puntland,Soomaliya iyo waliba kan Dowlada Turkiga .Wafdiga dawlada Turkiga iyo Masuuliyiinti Dowlada Puntland ayaa soo dhaweynta kadib waxay kormeer ku soo mareen Dekeda weyn ee magaalada Boosaaso iyo deegaan xeebeedka Mareera oo katirsan magaalada Boosaaso.Waxayna intii ay ku jireen kormeerkooda u Kuur Galeen dhaq dhaqaaqa ganacsi ee Magaaladaasi.
Intaas kadib ayaa Qunsul Cumar Faaruuq iyo Waftigii ganacsatada ahaa ee la socday waa loo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Dowlada Puntland ee Boosaaso,waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas .Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo kullan gaar ah la qaatay qunsulka safaarada Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Cumar Faaruuq ayaa waxa ay isla soo qaaden sidii Dowlada Turkiga Puntland uga hirgalin lahayd Mashruucyo Horumarineed oo Waxtar leh.
Mashruucyada Horumarineed ee ay doonayaan in ay ka hirgaliyaan Puntland ayaa waxaa kamid ah Hurumarinta Dhaqaalaha,Dhisida Dekedaha,Wadooyinka,Garoomada Diyaaradaha iyo Baarista Macdanta kujirta Puntland. In Dowlada iyo Ganacsatada Turkigu ay Mashruucyo Horumarineed Hindisaan inay ka fuliyaan Puntland,ayaa waxa ay qayb katahay Balanqaadyadii uu sameeyay Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas .
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,
Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.