Wakiilga Gaarka ah ee Midowga Afrika U qaabilsan Soomaaliya oo xilka iska casilay

June 19, 2014 - Written by Editor

Mahamat-Saleh-AnnadifSida lagu faafifiyey mareegta ay leeyihiin Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa la xaqiijiyey in Wakiilga Gaarka ah ee Midowga Afrika U qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahamat Saleh Annadif oo xilka iska casilay waxaana uu kulamo gooni gooni ah la qaatay Madaxda dalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ku wargaliyey in uu xilka iska casilay

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wakiilga Gaarka ah ee Midowga Afrika U qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa uu u qornaa sidan

Wakiilga Gaarka ah ee Midowga Afrika U qaabilsan Soomaaliya (SRCC), Danjire Mahamat Saleh Annadif oo ka tegi doono ergada 2da July, 2014 oo ayaa si rasmi ah kulamo gooni gooni ah ula qaatay Madaxwynaha, Ra’isulwasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka, qadimayna kuxigeenka wakiilka Gaarka ah, Marwo Lydia Wanyoto Mutende iyo Taliyaha Booliska, Mr. Anand Pillay tasoo qeyb ka aheyd geedi socodka xil wareejinta.
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa ugu saca tumay hogaamiyeyaalka cusub boosaskooda, sida ay uga go’antahay fikrada nabada iyo dib u heshisiinta ee dadaalkoodu uu ku qotomo, dalkuna uu ku gaaray geedi socod weyn oo ah dhinacyada nabadgelyada iyo siyaasada.

Wuxuu yiri “Marka aan ka tagaayo Soomaaliya, waxaan la khushuucsanahay go’aankiina aad ku dooneysaan nabad waarta iyo xasilooni ka dhalato dalkan. Waxaan si gooni ah ugu sii faraxsanahay in la ogaado in umadan Geeska Afrika ku taalo ay ku raaxeysaneyso hada waqtigii ugu dheeraa ee nabad ilaa heer ah laga soo bilaabo 1991 taasoo ku imaatay hogaankiina, waxaan goob jog u aheyn xalintii saaxiibtinimada laheyd ee muranadii ka dhexdhacay kooxaha kala duwan.”

Wakiilka gaarka ah wuxuu u mahad celiyay Dalalka kaga qeyb Qaadanayo Ciidamada (TCCs) iyo sidoo kale saaxiibada, gaar ahaan QM iyo Midowga Yurub taageeradii ay siiyeen mudadii uu shaqeynayay iyo sida ay uga go’antahay dhinacyadaas in Soomaaliya nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo. Ka qeyb qaadashada Ethiopia, Kenya, Uganda, Djibouti, Burundi iyo Sierra Leone ee nabadgelyada Soomaaliya ayaa waxay siineysaa Afrika sharafta ay mudan tahay. Ayuu yiri; “In kasta oo isku dayyada quusta ah ee Al-Shabaab ay ku doonayaan inay dib u celiyaan guulihii lagaaray ilaa hada, AMISOM go’aankeeda ay kudooneyso nabad iyo xasilooni ka hana qaado Soomaaliya ayaa sii ahaanayo mid taagan meelihii ugu fiicnaa.”

Mar uu kala hadlayay saraakiisha iyo raga AMISOM casha sharaf isaga loo sameeyay, Danjire Annadif wuxuu amaanay nabad ilaaliye yaasha Midowga Afrika taageeradooda ay la garab taagan yihiin Ciidamada qaranka Soomaaliyeed si looga xoreeyo dhulalka istiraatiijiga ah ee dalka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Wuxuu ugu baaqay AMISOM inay sii wado ku dhaganaanta waxyaabaha la xariira Xuquuqul insaanka iyo Sharciga Bini’aadamnimada Caalamiga ah marka ay hirgelinayaan waajibkooda.

“Sida ay tahayba dalal badan oo Afrikaan ah, dhibaatada Soomaaliya way iska dhamaan doontaa umadan reer Geeska Afrikana waxay dib ugu soo laaban doontaa booskeedii ay ku laheyd qaarada iyo ka sii badanba. “ Ayuu dhahay Danjire Annadif.

Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika (DSRCC), Marwo Lydia Wanyoto Mutende ayaa madax ka sii ahaan doonto Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya ilaa laga soo magacaabi doono ruux badalo.

For more information, please Contact; Eloi Yao and Colonel Ali Eden Houmed, Spokespersons,
Cell phone: (Somalia) +252 618 508 181; (Nairobi) +254 702 155 126;
Email: amisommediacentre@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online