Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga oo Muqdisho kula kulmay Madaxda DFS [Masawiro]

June 30, 2014 - Written by Editor

DSC06526Mogadishu:-Mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qasriga Jamhuuriyadda “Villa Somalia” si kala gaargaar ah ugu qaabilay Wafdi uu hogaami nayey Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Italy H.E. Lapo Pistelli oo booqasho hal cisho ah ku joogay caasimadda Muqdisho. Kulamada madaxda dowladda kahor , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha wafdiga ka socda dowladda Italy , isagoo kulan gaar ah kula qaatay qeybta VIP Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Italy H.E. Lapo Pistelli , waxaana fadhigaasi goob ka kala ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Italia ambassador Musse Hassan Abdulle iyo Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya ambassador Fabrizio Marcelli .

Kulankani ayaa waxaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka , kobcinta iskaashiga labada dal u dhaxeeya , taageeridda hey’adaha dowladda, dowlad wanaaga, fulinta mashaariic horumari need, la dagaalanka argagaxisada iyo qodobo kale . Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud ,Gudoomiyaha Golaha  Baarlamaanka H.E. Mohamed Sheikh Osman Jawari iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda H.E. Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed ayaa si kala gaar gaar ah xafiisyadooda ugu kala qaabilay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga iyo wafdigiisa .

Madaxda qaranka , waxa ay muujiyeen in Soomaaliya ay ka filaneyso dowladda Talyaaniga kaalin balaaran oo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga  H.E. Lapo Pistelli oo gaba-gabadii kulamadaasi shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay Xarunta Madaxtooyada , ayaa waxa uu Wasiir Beileh ka sheekeeyay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya kala dhaxeeya dalka iyo dadka Talyaaniga , isagoo ku baaqay in xiriirkaasi la xoojiyo.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga waxa uu ka sheegay halkaasi in Soomaaliya uu yahay dal muhiim u ah caalamka , nabadiisa iyo horumarkiisana ay farxad geli neyso dunida oo dhan , isagoo sheegay in dowladda Talyaaniga marnaba aaney gacmaha ka laaban taageeridda dowladda iyo caawinta shacabka Soomaaliyeed.

no images were found

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo
 Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online