Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo la kulmay dhiggiisa Turkiya kana qeybgalay Xaflad qalin jabin.(Masawiro)

June 21, 2014 - Written by Editor

IMG_6277Istanbul, June 21, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa kula kulmay Magaalada Stanbul dhiggiisa dalka Turkey H.E. Dr. Ahmet Davutoğlu oo ay ka wada hadleen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya , iskaashiga iyo xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya, gobolka bariga Afrika iyo isbadalada ka soconaya bariga dhexe .

Kulankani oo looga hadlay arrimo badan oo xoojinaya danaha wadaagga ah ee labada dal ayaa ku soo idlaaday jawi guul leh .

Dhinaca kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu xalay kala qeyb-galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey xaflad qalin jabin ah oo lagu sharfay ka qeybgalkeeda , taasoo shahaado lagu gudoonsiiyay arday dhameysatay kuliyadaha waxbarasho ee Jamaacadda Istanbul .

no images were found

Xafladaasi oo aheyd mid si heer sare ah loo qaban-qaabiyay , ayaa waxaa kala qeybgalay labada Wasiir Safiirada labada dal u kala matala Muqdisho iyo Ankara iyo diblomaasiyiin kale .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online