Wasiirka Arrimaha Dibadda oo u ambabaxay dalka Norwey kadib cazuumaad rasmi ah oo uu helay

June 16, 2014 - Written by Editor

DSC06225Mogadishu:-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ka ambabaxay caasimadda Muqdisho , isaga oo ku sii jeeda Magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Nowey ,halkaasi oo uu kula kulmi doono mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladaasi oo uu ka mid yahay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda H.E. Hans Brattskar .

Booqashadan ayaa ka dambeysay kadib cazuumaad rasmi ah oo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga uu ka helay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norwey , iyadoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo xoojinaya danaha wadaagga ah .

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya kala dhaxeeyo Norwey xiriir diblomaasiyadeed oo qota dheer , iyadoo labada dal xiriirkooda diblomaasiyadeed si rasmi ah u bilowday July 5, sanadkii 1960-kii , waxaana muddo dheer oo dalka Soomaaliya uu ku jiray dagaal sokeeye kadib , labada dowladood ay dib u cusbooneysiiyeen xiriirkaasi , iyadoo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Fawzia Yusuf H. Adam ay kula saxiixatay Caasimadda Muqdisho heshiis arrinkaasi ku qotama Wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Norwey Heikki Eidsvoll Holmes .

no images were found

Dowladda Norwey , oo ku marti-gelisay dalkeeda qaxooti balaaran oo Soomaali ah , ayaa ah dowlad saaxiib ah oo xiriir dhow la leh dalkeena.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online