Wasiiro ka tirsan DFS oo gaaray gobalka Shabeellaha Hoose.

June 11, 2014 - Written by Editor

joodaxMarka:-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee DFS Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose waxaana socdaalkiisa ku weheliyey wasiirka G/dhiga DFS Maxamed Sheekh Xasan Xaamud waxaana ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in ay xal nabadeed dhex dhigaan beelo ku dagaalamay gobalka Shabeellaha Hoose.

Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Arimaha gudaha ee DFS iyo wasiirka G/dhiga ayaa markii ay gaareen magaalada Marka waxay la hadleen warbaahinta waxaana ay ugu baaqeen maleeshiyaad beeleedka ku dagaalamaya gobalka gobalka Shabeellaha Hoose in ay dagaalka joojiyaan khilaaf walbana lagu dhameeyo wada hadal.

Wafdiga ka socda dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan odayaasha dhaqanka iyo wax garadka beelaha ku dagaalamay gobalka Sh/ Hoose waxaana ay DFS qorsheynaysaa in gobalka Shabeellaha Hoose laga saaro dhamaan maleeshiyaadka hubaysan.ee daacada u ah beelaha ku dagaalamay gobalka .

Wasiirka arrimaha gudaha ee DFS Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in dowladiisa ay ku dadaali doonto sugida amniga gobalka Shabeellaha Hoose iyo sidii heshiisiin buuxdana loo dhex dhigi lahaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay gobalka Shabeellaha Hoose

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online