Arday gaaraysa 141 oo dhamaysay xifdinta Quraanka oo shahaadooyin la gudoonsiiyey (Masawiro)

March 22, 2015 - Written by Editor

20150320_16502711Boosaaso:-Xaflada si heer sare loo soo agaasimay oo lagu maamusayey arday quraanka xifdintiisa dhamaystirtay ayaa lagu qabtay dugsiga daa-rulqur’aan qaybtiisa dhexe ee magaalada boosaaso. Galinkii danbe ee maalintimadii jamcaha oo taariikhu ahay .
Munaasabadan oo ahayd munaasabad aad ubalaaran, ayaa waxaa kasoo qayb galay ,dad aad ufara badan, oo gaaraya ilaa 1000qof ,oo isugu jiray ,maamulka , macalimiinta dugsiga daarul qur’aan, ardayda waxka barata dugsiga , mas’uliyiin kasocota jaamacada bariga Africa , ma’uuliyiinta sarsare ee mu’asasada al-minhaaj , culimaa udiinka , waalidiin, iyo marti sharaf oo ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada .
Arday daan loo qabtay munaasabadan lagu gudoonsiinayey shahaadooyinka waxay ahaayeen dufcadii 7aad ,oo loo qabto xaflada nooc aan oo kale ah laguna gudoonsiiyo shahaadoyin iyo abaalmarino, waxayna tira doodu gaarayey ardaydaani 141 arday , wiilal 72 iyo 69 gabdho isugu jira .
Waxaa lagu furfuray munaasabada qur’aanka kariinka ah , oo ay akhriyeen, labo arday oo kamid ah arday dugsiga dhigata.
Kadibna waxaa hadalka qaatay maamulka dugsiga daarul qur ‘aanka maxed cali yakhle wuxuuna war bixin kooban kabixiyey dugsiga daarul qur’aan ee barashada qur’aanka kariimka ah,iyo waxbarsha asaasiga ah ,taariikhdiisa iyo marxaladihii uu soo maray wuxuuna sheegay in lafuray dugsiga sanadii 2002dii, hadana tirada guud ee dhigta dugsiga aytahay 2380arday , wxuna tilmaamay in ardaydaan hada lamaamuusayo ay yihiin dufcadii 7aad, ee ka qaata shahaadooyin ka xifdi qur’aanka dugsiga ,wuxuna cadeeyey, in todobada dufco ee kaqaadatay dugsiga shahaadooyinka xifdinta qur’aanka ay tiradoodu gaaray so 750 xaafid qur’aan.

Sidookale wxuu yakhle dardaaran ku aadan qur’aanka barashadiisa ,iyo karaamayntiisa u jeediyey dhaaman dadka soomaliyeed, ardayda iyo waalidiintaba .

Kadibna waxaa kalmada waalidiinta kasoo jeediyey munaasabada shekh axmed faarax garaase, wuxuuna ugu horayn uhanbalyey ardayda dhamaysay xifdita qur’aanka, wuxuuna mahadcelin balaaran ujeediyey ,dugsiga daarul-qur’aan ,sidoo kale sheikh axmed ku bogaadiyey maamulka iyo macalimiinta, dadaalka aadka ubadan ee ay galiyeen ardayda qur’aanka xifdintiisa dhamaysay, isagoo kula dardaarmay in ay juhdiga sii laba jibaaran.

no images were found

Dhankale waxa kalmada culimada,waxa ku hadlay gudoomiyaha guud ee mu’asasa almin haaj ee dacwada iyo hur marinta ,sheikh maxed c/laahi cabdule ,oo ugu horayn aad ugu hanbalyo iyo bogaadin usoo jeediyey ardayda dhamaystiray xifdinta kitaabka ale , isagoo kula dardaarmay in ay qur’aanka xifdigiisa iyo barashad culuumta qur’aanka ay sii wadaan. Gudoomiyuhu isagoo siiwata hadalkiisa wuxuu talooyin wax ku ool ah usoo jeediyey.
Maamulka iyo macalimiinta dugsiga .

Gabagabadii munaasabad waxaa ardayda lagu doonsiiyey shahaadooyin, iyo abaal marin .

Musast Al-Minhaaj
Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online