Bishaaro:- Diblom fiqiga islaamka ah oo lagu soo kordhiyey Jaamacada Nugaal
March 22, 2015 - Written by EditorMaamulka Jaamacada Nugaal Jaamacada Nugaal gaar ahaan Maamulka Kulliyada Shareecada wuxuu ogaysiinayaa ardayda jecel inay sii wataan waxbarashadooda heerke labaad (Post Graduate) ee jaamacadeed inay bilaabyaso Diblome Fiqhiga Islaamga ah Teeramka hada socda , Xaflada daahfurka diblomkuna waxay ka dhici doontaaa Xarunta Jaamacada Nugaal University ee laascanaood 24 Mrch .
Faahfaahinta
1:Muda Diblome ku waa hal Sano , iyadoo ardaygu baranayo laba Semsiter , Wuxuu ku baran doonaa Culuumta Fiqhiga, , Usuulu Fiqhiga , Qawaacidu Fiqhiyah , Garsoorka , Siyaasada Islaamka-siyaasah sharciyah- hababka cilmi baadhista -manaahiju baxthiyah- .
2:Diblome Proffesor ada dhigaya waa Aqoonyahano wata Shahaadooyinka PhD dhinaca Shareecada Islaamka , gaar ahaan Culuumta Fiqhiga Islaamka ,qaarkoodna barayaal ka ahaayeen Jaamacada Madina
3:Manhajka la dhigayo Mudada Diblome ka soconayo wuxuu la mid yahay Manhajka Master Degree ga ee Fiqhiga ee lagu dhigo Jaamacada Islaamiga ah ee Madiina Munawara .
4:Xiliga imtixaanka la gelayo Imtixaanka waa 25 ka Bishan March ee hada Socota . Duruustuna waxay bilaabmanaysaa 28 bishan Socota .
Shuruuda Laga Rabo Ardayaga Doonaya inuu Buuxiyo :
Ardayga doonaya inuu wax ka barto diblome kani :
1:Waa inuu haystaaa shahaado Jaamacadeed oo Bachelor ah afar sano ah .
2: Waa inuu haystaa celcelis dhibcaha uu ku baasay heerka sadexaad ugu hoosayn (جيد)(C).iyo wixii ka sareeya .
3: Waa inuu ku sifoobaa Akhlaaq wanaaag iyadoo uu ka hasyto hubin xaga akhlaaqda wanaaga (Taskiyo) laba qof oo ka mida dad cilmida la yaqaan .
4:Wa inuu Qur’aanka ka xifdisan yahay ugu yaraan 5 Juz.
5:Waa inuu ka gudbaa imtixaanka aqbalaada ee qaadi doono Maamulka Kuliyada Shareecada ee Jaamacada.
Hadabad cidii danaynaysaa Dibloomkan qiimaha badani hala soo xidhiidho xafiiska diiwaan gelinta ee Jaamacada
Nugaal iyo maamulka Kuliyada Shareecada ee Jaamacada.
Tell: 0634496253 ama 754063 ama Registrar@nugaaluniversity.edu.so
Ama Xafiiska Maamulka Kuliyada Shrareecada : 25263 4099309
Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood