Ciidanka Booliska DFS oo soo bandhigay rag Al-Shabaab ka tirsan oo ay gacanta ku dhigeen.
March 14, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Taliska Ciidamada Booliska DFS ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay rag ay ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu qabtay Howlgallo Ciidamada ay ka fuliyeen wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada Booliska DFS G/sare Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay qabteen 4 qof oo ka tirsan kooxa Al Shabaab kuwaas oo soo weeraray ciidanka booliska oo howlgalo ka waday Wadada Warshadaha .
Afhayeenka Ciidamada Booliska DFS G/sare Qaasim Axmed Rooble ayaa sidoo kale sheegay in raga ay soo qabteen ay dhaawaceen labo askari oo ka tisan Booliska ka dib markii uu iska horimaad dhexmaray ciidanka Booliska iyo 4 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Afarta nin oo ay soo bandhigeen ciidanka Booliska DFS ayaa waxaa ay kala yihiin
1-C/qaadir Cabdalla Saalax
2-C/casiis Abdulaahi Ahmed
3-Cumar Maxamed Diiriye
4-Maxamed C/qaadir Aadan
A/Cawale
Halgan.net