Culimada Puntland oo taageeray Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.[Masawiro]

March 6, 2015 - Written by Editor

20Boosaaso:-Masaajidka weyn ee Al-Rowda ee magaalada Bosaaso ayaa habeenimadii xalay lagu qabtay kulan muxaadiro ah, kaasoo diirrada lagu saaray dhibaatooyinka kala duwan ee uu qaadku ku hayo qoysaska Soomaaliyeed.Culimada ugu waa weyn Puntland ayaa kulankan goobjoog ka ahaa, waxaa sidoo kale joogay, Ganacsato, Afhayeenka nabadoonada Gobalka Bari, maamulka Jaamacadda Bariga Africa, mu’asasad Al-Minhaaj, iyo masuuliyiin kale.

Sh.Axmed Daahir Xasan, Shiikh Xasan Xuseen Axmed iyo Shiikh Daahir Ow-Cabdi oo kulankan ka hadlay ayaa ku dheeraaday diinteena Islaamka halkay ka taagan tahay daroogada Qaadka, waxayna cadeeyeen inuu ka daran yahay Qaadku, Khamriga loona baahan yahay in si wada jir ah looga hortago lana taageero Olalaha la-dagalanka Qaadka oo guud ahaan goobaha dowlada, iyo waxbarashada gaaray.

Culimadu waxay boggaadiyeen wacyi galinta uu wado Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale Qaaddiid, waxayna sheegeen inay waajib ku tahay qof kasta oo Islaam ah inuu ka hadlo waxyaabaha munkarka ah ee diinta ka hor imaanaya iyo nolasha dadka.

Abuukar Cawaale ayaa mudo 25-daqiiqo ah ka waramayay dhibaatooyinka Qaadka, wuxuna sheegay inuu cunayay qaadka 7-sano hase yeeshee uu meel xun la gaaray,hadana u taagan yahay inuu dadka ka wacyi galiyo wadooyinka xun ee uu qaadka dadka marsiiyo.

Qaaddiid wuxuu dowladda uu Gaas hoggaamiyo ugu baaqay in lagu labo jibaaro canshuurta laga qaado Qaadka soo gala deegaanada Puntland, sidoo kale wuxuu ku dhiirigaliyay madaxda inay u kacaan la-dagalanka Qaadka si loo hakiyo dhaqaalaha faraha badan ee bil kasta Soomaaliya ka aada dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Aadan Shiikh Doon ayaa sheegay inuu garab taagan yahay wacyi galinta Qaadka, wuxuna iftiimiyay waxyaabaha foosha xun ee laga dhaxlo, kuwaasoo u baahan in wadajir looga hortago.

Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Xarago iyo Ganacsade Maxamuud Faarax Bille, oo ka mid ahaan jiray dadkii horay qaadka u cuni jiray ayaa ka waramay dhibaatooyinka ay kala kulmeen iyo sababihii isaga joojiyeen cunista qaadka, waxayna shacabka iyo dadka wax garadka ah u sheegeen qaadku inuu xaaraan yahay sidaasi darteedna loo baahan yahay suulintiisa in laga qayb qaato.

Tan iyo intii uu ka bilowday Olalaha la-dagalanka Qaadka deegaanada Puntland, waxaa jira ganacsato qaad iyo kuwa gada oo ku dhawaaqay inay faraha kala baxeen qaadka, meelaha sida weyn wacyi galintu u saamaysay waxaa ka mid ah magaalooyinka Qardho iyo Carmo.

no images were found

Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
DHAMMAAD
Qaaddiid2015@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online