Dalladda Ardayda ka baxday Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya oo kulan isku xir ah u sameeyey Ardayda

March 6, 2015 - Written by Editor

DSC00344Gaalkacyo:-Waxaa maanta oo jimcaha soo gabagaboobay laba kulan oo looga tashanayay siddii la is kugu xiri lahaa ardayda ka baxday gaar ahaan Macaahidda Sharciga ah ee Soomaaliya oo Isku-xirtay Khariijiinta Machadka Imaamul Bukhaari ee degmada Galdogob iyo Machadka Faaruuq ee Gaalkacyo.

Kulanka hore oo saaka dhacay ayaa waxaa soo qabanqaabiyay guddoomiyaha Raabidada ardayda ka baxday Macadka Imamul Bukhaari ee maagaalada Galdogob, Bishaar Axmed Maxamed, waxaana ka soo qayb galay ardayda ka baxday machadka Imaamul bukhaari ee Galdogob oo jooga Gaalkacyo, waxaana halkaa lagu dhisay guddi maamula khariijiintaas Gaalkacyo ku sugan, waxaana la doortay laba Guddoon oo golaha ragga iyo dumarka kala maamuli doona, waxaana golaha ragga loo doortay Guddoomiye C/Samad Aadan Xassan madaxii hore ee iclaamka wiilasha, Golaha gabdhahana waxaa loo doortay Fartuun Yuusuf C/Raxmaan.

Kulankii labaad oo galabta waxaa asna soo Qabanqaabiyay Guddoomiyaha Munadamada Bedar ee Khariijiinta machadka Faaruuq C/risaaq C/laahi Daahir, xog waran iyo is-waraysi ka dibna waxaa kulanka lagu lafa guray siddii loo midayn lahaa, xiriir wada shaqaynna ay u yeelan lahaayeen labada maamul ee Khariijiinta Macaahiddaas.

Waxaana ka soo baxay kulankaas in ay si toosa u wada shaqeeyaan Khariijiinta Machadka Imaamul Bukhaari, Galdogob ee ku sugan magaalada Gaalkacyo iyo Munadamada badar ee midaysa ardayda ka baxday Machadka Faaruuq ee Gaalkacyo, sidoo kale waxay labada maamul isku af-garteen inay kor u qaadaan heerka dacwo ee gobolka Mudug, xiriir rasmi yana ay Khariijiinta labadaa magaalo yeeshaan.

no images were found

Dr.AbdiRahman Hassan
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online