Dawladda Puntland oo dil toogasho ah ku fulisay saddex dambiile oo ka tirsanaa Al-shabaab.[Dhagayso]

March 16, 2015 - Written by Editor

plGaroowe:-Dawladda Puntland ee Soomaaliya dadaalka tooska ah ee ay kula jirto kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab waa dagaal aan dhammaan doonin ilaa la dabar gooyo kooxdaas, maadaama ay dadka iyo dalkaba duulaan ku yihiin. Sidoo kale Dawladda Puntland waxay cadaynaysaa inay shareecada islaamka iyo qawaaniinta dalka marinayso qof kasta oo ay ku caddaato kamid ahaanshaha kooxda burcad diimeedka ah ee ururka Al-shabaab.

Sidaa darteed, wasaarada amniga ee dawladda Puntland waxay maanta si buuxda laamaheeda amniga u fuliyeen dil toogasho ah oo lagu xukumay xubno dambiilayaal ah oo ka tirsanaa oo ahaa saddex qof.

1: Maxamed Cabdi Axmed oo la baxay ” Olol”

2: Xaajow Shiikh Nuur Cismaan oo la baxay ” Shiishaan”

3: Ismaaciil Cabdulqaadir Jaamac oo la baxay ” Rabbiile”

Xubnahaas oo dhammaantood ay ku caddaatay inay xubin ka ahaayeen Ururka Al-shabaab islamarkaana Maxkamada ciidanka Puntland ay ku cadaysay dambiyada ay gaysteen ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16-3-2015 waxaa lagu tooktay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Barri ee Dawladda Puntland.

Hoos ka Dhagayso warsaxaafadeedka wasiirka amniga ee dowladda Puntland Xassan Aloore

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/uck6ltnmb3/dil.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online