Diblome heerka labaad ee Fiqhiga Isaamka (دراسات العليا) oo Jaamacada Nugaaal soo Kordhisay‏‏

March 23, 2015 - Written by Editor

JaamacadaLaascaanood:-Maamulka Jaamacada Nugaal gaar ahaan Maamulka Kulliyada Shareecada wuxuu ogeysiinayaa ardayda jecel inay sii wataan waxbarashadooda heerke labaad (Post Graduate) ee jaamacadeed inay bilaabmayso Diblome Fiqhiga Islaamiga ah Teeramka hadda socda , Xaflada daahfurka diblomkuna waxay ka dhici doontaaa Xarunta Jaamacada Nugaal University ee laascanaood 24 Mrch .

Faahfaahinta:-

Muda Diblome ku waa hal Sano , iyadoo ardaygu baranayo laba Semesiter , Wuxuu ku baran doonaa Culuumta Fiqhiga, , Usuulu Fiqhiga , Qawaacidu Fiqhiyah , Garsoorka , Siyaasada Islaamka-siyaasah sharciyah- hababka cilmi baadhista -manaahiju baxthiyah- .

Diblome Proffesorada dhigaya waa Aqoonyahano wata Shahaadooyinka PhD dhinaca Shareecada Islaamka , gaar ahaan Culuumta Fiqhiga Islaamka ,qaarkoodna barayaal ka ahaayeen Jaamacada Madina.

Manhajka la dhigayo Mudada Diblome ka soconayo wuxuu la mid yahay Manhajka Master Degree-ga ee Fiqhiga ee lagu dhigo Jaamacada Islaamiga ah ee Madiina Munawara .  Xiliga la gelayo waa 25 ka Bishan March ee hada Socota . Duruustuna waxay bilaabmanaysaa 28 bishan Socota.

Shuruuda Laga Rabo Ardayaga Doonaya inuu buuxiyo :-

1.Waa inuu haystaaa shahaado Jaamacadeed oo Bachelor ah Afar sano ah .

2: Waa inuu haystaa celcelis dhibcaha uu ku baasay heerka saddexaad ugu hoosayn (جيد)(B).iyo wixii ka sareeya .

3: Waa inuu ku sifoobaa Akhlaaq wanaaag iyadoo uu ka hasyto hubin xaga akhlaaqda wanaaga (Taskiyo) laba qof oo ka mida dad cilmida la yaqaan.

4:Wa inuu Qur’aanka ka xifdisan yahay ugu yaraan 5 Juz.

5:Waa inuu ka gudbaa imtixaanka aqbalaada ee qaadi doono Maamulka Kuliyada Shareecada ee Jaamacada.

Haddabad cidii danaynaysaa Dibloomkan qiimaha badani hala soo xidhiidho xafiiska diiwaan gelinta ee Jaamacada Nugaal iyo maamulka Kuliyada Shareecada ee Jaamacada.

Tell: 0634496253 ama 754063
ama Registrar@nugaaluniversity.edu.so
Ama Xafiiska Maamulka Kuliyada Shrareecada
Tell : 25263 4099309

Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online