Drs Khadro Bashiir Cali oo kulan la qaadatay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya.[Masawiro]

March 7, 2015 - Written by Editor

khadiijoMuqdisho:-Wasiirada Wasaaradda Waxbrashada Hidaha iyo Tacliinta sare Dalka Soomaaliya Drs Khadro Bashiir Cali ayaa kulan la qaadatay Wakiilka Hayadda UNICEF ee dalka Soomaaliya Steven Lauwerier oo ku soo booqday Xafiiska Wasaarada ee Magaalada Muqdishu.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiiru dowlaha Waxbarashada Mudane Bile Wasiir ku xigeenka Mudane Xaamud Cali Xassan iyo Agaasimaha guud Prof Maxamed Cabduqaadir Nuur, Dhanka UNICEF waxaa ku wehliyay Wakiilka UNICEF Soomaaliya Jason Snuggs oo ah Agaasimaha Mashaariicda iyo Maryan Abkow oo kamid ah shaqaalaha UNICEF.

Kulanka ayaa waxaa la isla soo qaaday arrima muhiim ah oo ka mid ahaayeen sidii Hay’ada UNICEF u sii wadi laheyd taageerada Soomaaliya ay siiso gaar ahaan Waxbarashada iyo sidoo kale Mushaarka Macalimiinta dhigta Iskuulada Dowlada si loo xoojiyo kor qaadista tayada Iskuulaadka Dalka.

Wasiirada Waxbarashada Drs Khadro Bashiir ayaa si aad ah uga codsatay Hay’ada UNICEF inay sii labab laabaan taageerada ay siiyaan Wasaaradda si howla badan oo qabya ahaa sanadkii tagay loo dhameystiro kuwaas oo badankooda ahaa Mashruucii Aada Dugsiyada taas oo horey ay u balan qaaday Dowlada Soomaaliya in 1 million oo arday ah lacag la’aan wax ku bari doonto.

Ugu danbeyntii Wakiilka UNICEF Soomaaliya ayaa ugu hambalyeey Wasiirada xilka cusub ee loo magacaabay waxa uuna ku tilmaamay iney tahay qof Aqoon iyo Khibrad u leh Xilka loo dhiibay, waxa uuna balan qaaday iney sii wadi doonaan taageerada ay siin jireen Wasaarada iyo Guud ahaan Dalka Soomaaliya.

Mr Steven ayaa xusay in UNICEF ay ka go’antahay sii anba qaadista Mashruucii Aada Dugsiyada iyo taageerada ay siin jireen Wasaarada si loo xoojiyo Tacliinta Dalka Soomaaliya.

no images were found

Communication Officer
Ministry of Education
Mogadishu - Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online