Drs Khadro oo Xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dowlada Chine-ha u fadhiya Soomaaliya [Masawiro]

March 9, 2015 - Written by Editor

DSC_0458Muqdishu:- Wasiirada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Drs Khadro Bashiir Cali oo ay wehelinayaa Wasiiru dowlaha Mudane Cabdullahe Bile, Wasiir ku xigeenka Mudane Xaamud Cali Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Tacliinta sare Mudane Ismaaciil Yuusf ayaa waxey maanta ku qaabishay Xafiiskeeda Safiirka Dowlada Chine u fadhiya Dalka Soomaaliya.

Isbarasho kadib Wasiirada ayaa kala hadashay Safiirka arrimo badan oo muhiim kuwaas oo ay kamid ahaayeen sidii dowlada Shiinaha ay u taageeri laheyd Dalka Soomaaliya gaar ahaan dib u dhiska Goobahii iyo Dhismooyinkii Wasaarada Waxbarashada ay lahaan jirtay sida Xaruntii hore ee Wasaarada iyo Iskuuladii dalka oo badankooda ay ku burbureen dagaaladii dalka ka dhacay.

Wasiirada ayaa uga mahad celisay Dowlada Shiinaha taageera ay la garab taaganyihiin Umada Soomaaliya, waxey ka codsatay dowlada Shiinaha iney sii balaariyaan kaalmada Soomaaliya, islamarkaana ay kor u qaadaan tababarka iyo deeqaha Waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya.

Wasiirada ayaa sheegtay in waxyaabaha muhiimada ay saareyso ay ka mid tahay sidii Deeqaha Waxbarasho si siman loogu gaarsiin lahaa Gobalada Dalka oo dhan.

Sidoo kale waxaa ka hadlay kulanka Wasiiru dowlaha Wasaarada Waxbarashada C/lahi Bile oo isna uga mahadnaqay Dowlada Shiinaha Kaalmaha ay la garab taagantahay Dalka Soomaaliya, loogana baahanyahay Jaamacadaha Chine iney kala shaqeeyaan Wasaarada iyo Jaamacada Umada sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii tacliin ee ka dhaxeeyay labada dal taasna gar wadeen ay ka noqoto Safaarada Shiinaha ee Soomaaliya.

Safiirka Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wei-Hongtian Geeljire ayaa uga mahadnaqay Wasiirada iyo Mas’uuli yiinta kale ee Wasaarada sida loo soo dhaweeyay, waxa uuna sheegay in dowlada Shiinaha qorsheyneyso iney dhisto Kuliyadii Siyaasada, sidoo kalana dib u dhis ku sameyn doonto dhamaan Xarumaha dalka.

Safiirka ayaa xusay iney qorsheynayaan iney dhisaan xaruntii Dhaqanka iyo Hidaha ayna siin doonaan Soomaaliya Deeqo Waxbarasho si kor loogu qaado Waxbarashada Ardayda Soomaaliya.

no images were found

Communication Officer
Ministry of Education
Mogadishu – Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online