Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo gaaray Baydhabo.

March 15, 2015 - Written by Editor

nickayBaydhabo:-Wafdi uu horkacayo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga Nicholas Kay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wasiirro ka tirsan baarlamaanka Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya .

Madaxweynaha Koonfur-galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Nicholas Kay ayaa kulan ku wada qaatay magaalada Baydhabo iyaga oo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta ammaanka iyo dardar-galinta dhameystirka Maamulka Koonfur-galbeed.

Madaxweynaha Koonfur-galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa uga warbixiyay wafdiga Qaramada Midoobay waxyaabaha ilaa hadda u qabsoomay iyo in ay wadaan dadaal lagu sugayo amniga deegaanada Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay taageeraan Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya  isaga oo sheegay in ay horyaalaan caqabooyin badan oo ay ugu horeyso amaanka iyo xoreynta deegaanada ka tirsan Maamulkiisa oo ay wili gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa ballanqaaday inay Qaramada Midoobay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Maamulada federaalka ee ka jira dalka Soomaaliya wuxuuna xusay in ay taageero siin doonaan Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online