Faahfaahin Weerar lagu qaaday Madaxtooyad Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

March 12, 2015 - Written by Editor

Sawirka Baydhabo JanaayBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in qaraxyo iyo rasaas laga maqlay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu ku qarxay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Maamulka Koonfur-galbeed waxaana intaas ka dib xigay rasaas goos goos ah.

Kooxda soo weerartay xarunta madaxtooyada ee Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa qaar ka mid ah waxaa u suuro gashay in ay galaan gudaha xarunta.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in 3 askari ay ku dhinteen qaraxii koowaad ee lagu weeraray xarunta Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Xiliga la weeraray xarunta Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliyaayaa waxaa halkaas ka socday shir ay wada lahaayeen masuuliinta Maamulka Koonfur-galbeed waxaana xarunta ku sugnaa madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sh Aadan .

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka lagu qaaday xarunta madaxtooyda ee Maamulka Koonfur-galbeed iyaga oo sheegay in ay dileen askar Itoobiyaan ah.

Dhanka kale Saraakiisha Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya  ayaa soo baddhigay Ilaa Saddex Ruux oo Meyda oo ay ku sheegtay in ay yihiin kooxdii soo weerartay xarunta madaxtooyada Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhinteen 3 askari oo ilaalo ka ahayd xaunta waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa Itoobiya oo ka tirsan AMISOM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online