Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Gaaray Kampala (Masawiro)
March 8, 2015 - Written by EditorKampala:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka Labaadee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa soo gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda halkaasi oo guddiyo ka tirsan Baarlamaanka aqoon kororsiyo uga soconayaan.
Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hogaaminayo waxaa garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala kusoo dhaweeyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo horey Uganda u joogay,Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) qunsulka Soomaaliya ee Uganda iyo mas’uuliyiin kale.
Ujeeddada ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad u yimaadeen Kampala ayaa ah iney kormeer ku sameeyaan sida ay u socdaan aqoon kororsiyo guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga soconaya dalka Uganda kuwaasi oo ay fududeeyneyso hay’adda AWEPPA, waxaana hada uu tababar u socdaa guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa iyo Xaasaanadda ee Baarlamaanka.
no images were found
Tababarka xiga waxa uu u bilaaban doonaa 9ka bishan March Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo iyagu la isku yiraahdo Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah ayadoo kadibna ay jiri doonaan tababarro kale inta lagu jiro fasaxa Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka waxaana dhammaan tababarran iyo howlahan ay qeyb ka yihiin fududeynta shaqooyinka la doonayo in la qabto Kalfadhiga 6aad.
—-DHAMMAAD—-
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka
Media and Public Relation Office Of Speaker