Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ee Majliska oo Booqday Masajidka Alhudaa ee Magalada Salt Like City,Ut.

March 16, 2015 - Written by Editor

2.2Gudoomiyaha Golaha Fulinta Majliska Sheikh Abdullahi Abul-Fadli ayaa wuxuu booqasho dacwadeed kutagay Magaalada Salt Like City Ee Gobalka Utaha.

Magaalada Salt Like City Waxaa ku nool Jaaliyad Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso ilaa 4000-4500,Waxaa ku yaalo Masaajid ay jaaliyadu leedahay oo Majliska iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ka iibiyeen qolyo Shiica ah,sanadku Markuu ahaa 2009kii iyadoo lacagtiisa la dhameeyay 2011kii illaahay fadligii.

Golaha isutaga Masajida ee Waqooyiga Maraykanka,ayaa  isagoo kaashanaayo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga Maraykanka wuxuu ka hergaliyaa Masajid gobalada ama Magaalooyinka ay soomaalidu dagto ee wadankan.

Golaha ayaa u kuur galo hadbo Magaalooyinka lakeeno soomaalida qaxooti ahaanta loo keeno wadankan,kadibna isla markiibo goluhu wuxuu u abaabulaa sidii loogu heli lahaa Markis ama Masaajid si loogu xifdiyo diintooda.

Booqashada Gudoomiyaha Golaha Fulinta uu ku gaaray Magaalada Salt Like City,ayaa waxay ahayd booqasho dacwadeed isagoo sheikhu uu jeediyay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaas maxaadaraad socday illaa Maalintii axada ahayd,Sidoo kale sheikha ayaa wuxuu kulamo laqaatay Maamulka Masaajidka Al-HUDAA isagoo ka dhagaystay warbixinta Dacwada ee Magaalada Iyo Mida Guud ee Gobalka.

no images were found

Gudoomiyaha Golaha Tanfiidka Majliska ayaa sidoo kale wuxuu dar daaran ku wajahan sidii loo hormarin lahaa dacwada,loona xoojin lahaa xiriirka guud ee dacwada wuxuu siiyay walaalaha Maamulka masaajidka Alhudaa.

Sheikh Abdullahi Abul-Fadli ayaa kormeerkii sii dacwo wuxuu ku Soo dhamaaday guul isagoo galabta abaarihii 5:30pm Waqtiga Utah ka soo anbabaxay Magaalada Salt Like City,iyadoo halkaasi ay ku soo sagootiyeen Culimada iyo Maamulka Masaajidka iyo qayb Kamid ah Odayaasha Magaalada.

Xafiiska Iclaamka Ee Majliska
Minneapolis ,Mn

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online