Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuuker Cawaale oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo.[Masawiro]

March 20, 2015 - Written by Editor

1Gaalkacyo:-Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Mudane Abuukar Cawaale Qaaddiid oo maalmihii lasoo dhaafay olalaha la-dagalanka Qaadka ka waday Gobalka Bari ayaa maanta oo Jimce ah 20-3-2015 gaaray magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug.

Mamulka Gobalka Mudug, kan degmada iyo dadwayne kale oo calanta Puntland ku labisan ayaa ka qayb galay soo dhawaynta Qaaddiid ee Gaalkacyo. Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo ugu horayntii warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la-dagalanka Qaadka ee Puntland hadda ka bilowday, wuxuna Qaaddiid u sheegay inay taageersan yihiin Olalahan oo si xoogan uga socda goballadda.

Tigey ayaa soo jeediyay inay muhiim tahay in hantida shacabka Soomaaliyeed la bad badiyay, isagoona sheegay dhaqaalahooda inuu maalin kasta ku baxo Qaadka, taasina ay suurta gal ahayn in lagu soo daawado. Qaar ka mid ah haweenkii goobta ka hadlay ayaa sheegay inay dowrkooda ka qaadan doonaan faafinta wacyi galinta la-dagalanka Qaadka.

U Olaleeyaha joojita Qaadka Soomaaliya Abuukar Cawaale Qaaddiid ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshaha Gobalka Mudug gaar ahaan magalada Gaalkacyo, waxa kale uu sheegay olalahan uu wado inuu yahay mid u hiilinayo mustaqbalka dalka iyo dhalin yaradda, loona baahan inay in hadda laga hortago aafooyinka muuqda ee u qaadka ku hayo qoysaska Soomaaliyeed.

Culimadda iyo Ganacsatadda waa weyn ee Puntland ayaa taageeray in guud ahaanba dalka laga joojiyo Qaadka, hase yeeshee wacyi galinta uu wado Abuukar Cawaale Qaaddiid ayaa suurta galin karta hadday sii socoto in dadku ka fekeri doonaan sababta dhaqaalaha intaasi leeg uu maalin kasta uga aadayo dalalka Kenya iyo Itoobiya.

no images were found

Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
DHAMMAAD
Qaaddiid2015@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online