Kulan Lagu Daahfurayay kor u qaadida bixinta Shatiyada Ganacsiga Habcasri ah oo lagu Qabtay Qardho.

March 7, 2015 - Written by Editor

3Qardho:-Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hogaamo, Xoghaya dowlada hoose Mxamuud Maxamed Shire, Agaasimaha guud ee wasaarada Arimaha gudaha iyo Qorshaynta Maxamed Cali Nuur Juba, Jaamacada Bariga Africa qardho iyo ganacsato waxaana looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa barnaamijka bixinta shatiyada canshuuraha dowlada hoose ee magaalada Qardho.

Kulankan ayaa waxaa daahfuray duqa degmada qardho Maxamed Siciid Ciise kana hadlay muhimada kulankan uu u leeyahay ganacsatada iyo dowlada hoose gudoomiyaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay jaamacada Bariga Africa Qardho oo soo bandhigtay buug tilmaamaya dakhliga canshuuraha dowlada hoose ee magaalada Qardho halka laga heli karo iyo sida ugu fudud ee magaalada loogu samayn karo fursado ganacsi.

Xoghayaha dowlada hoose Maxamuud Maxamed Shire ayaa dhankiisa sheegay in kulankan uu muhimad gaar ah u leeyahay dhamaan ganacsatada ku dhaqan magaalada Qardho iyo Dowlada Hoose.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha iyo Qorshaynta wuxuuna si balaaran uga hadlay muhimada iyo ujeedka kulankan uu u leeyahay ganacsatada gudaha magaalada Qardho si waxqabadka dowlada hoose uu u noqda mid hormarkiisa muuqda.

Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili isbedelo dhanka horumarka ah uu ka soconayo gudaha magaalada Qardho sida wadooyinka laamiyada ah iyo horumarka ganacsiga laga samaynayo magaalada qardho kuwaas oo qaybwayn ay ka qaadatay dowlada hooose.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online