Kulan looga hadlayey amaanka iyo Horumarka Boosaaso oo ka dhacay xarunta Gobalka
March 9, 2015 - Written by EditorBoosaaso:- Kulan looga hadlayey amaanka iyo harumarka iyo dardar galinta Canshuuraha ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaana kulanka ka soo qeyb galay Masuuliyiinta Maamulka Degmada Boosaaso kan Gobolka Bari wasiirka maaliyada iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland qeybihiisa kala duwan.
Kulanka shalay ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa waxaa diirada lagu saaray sugida amaanka guud ee magaalada Boosaaso ,dardar galinta Canshuuraha Bariga.
Markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada la halay wasiirka Maaliyada ee dowlada Puntland Shire Xaaji Faarax wuxuuna sheegay in kulanka lagu gorfeeyey sugida amaanka iyo dardargalinta canshuuraha bariga.
Hoos ka Daawo Kulan Shalay ka dhacay magaalada Boosaaso oo looga hadlay amaanka iyo Horumrka magaalada Boosaaso.
M_M Deeq
Halgan.net