Madaxweynah PL oo gudoomay qalab caafimaad oo uu Australia ka keenay Dr. Maxamed Cabaas Cumar.[Masawiro]

March 18, 2015 - Written by Editor

IMG_0892Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-3-2015 gudoomay qalab caafimaad oo uu dalka Australia ka keenay Wasiir dawlaha Madaxtooyada iyo xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Dr. Maxamed Cabaas Cumar.

Xafladd kooban oo loo qabtay wareejinta qalabkaasi kana dhacday aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Saadiq Eenoow, Agaasimaha wasaarada caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo saraakil katirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in qalabkaan baahi-weyn loo qabay, waxbadana uu ka badeli-doono daryeelka caafimaadka bulshada reer Puntland.

” Qof walba oo shaqsi ahi hayana shaqo dawladeed ama mid bulsho waxaa lagu qiimaynayaa laguna xasuusan doonaa markii uu meesha katago waxaa uu hayey iyo waxa uu suubiyey, Maxamed Cabaas isagoo wasiir dawle Madaxtooyo ah shaqadiisana aysan aheyn hadii uu intaas oo qalab ah keenay aad iyo aad ayuu ugu mahadsanyahay ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa Madaxda Wasaarada Caafimaadka Dawladda Puntland ka dalbaday in qalabkaan caafimaad sida uu yahay ay ugu faa’iideeyaan shacabka reer Puntland islamarkaana gaarsiiyaan meelba meesha ay uga baahi badantahay.

” Dadka si cadaalad ah waa in loo gaarsiiya oo ay isku si Puntland uga faa’iidaysato qalabkaan ayaan rajaynaynaa, gaar ahaan deegaanada fog-fog oo marar badan imkaaniyaadka dawliga ah sida ay tahay u gaarin ”Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Qalabkaan ayaa waxaa ay isugu jiraan Daawooyin, Sariiro casri ah oo lagu jiifiyo bukaanada, mashiino nooca dhaliya Oxygen-ka iyo sidookale mashiino lagu magacaabo Dialysis Machine ahna mashiin loogu talagalay in lagu daweeyo kelyaha.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online