Madaxweynaha Dawladda Puntland oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe.[Masawiro]

March 6, 2015 - Written by Editor

IMG_9251Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta oo ay taariikhdu tahay 6-3-2015 dib ugu soo laabtay magaalo madaxda dawladda Puntland ee Garoowe, kadib safar maalmo kooban qaatay oo uu ku tagay Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Aqoonyahan, Maamulka Gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe iyo masuuliyiin kala duwan ayaa Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayey si wanaagsan ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee  Magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta la hadlay markii uu soo gaaray xafiiskiisa xarunta madaxtooyada ee dawladda Puntland ayaa waxaa uu ka warbixiyey safarkiisii iyo waxyaabahii uu kala kulmay mudadii uu ku sugnaa magaalada Kismaanyo ee xarunta maamulka Jubba-land.

” Runtii booqashadii aanu ku tagnay Kismaayo waxa ay ahayd booqasho taariikhi ah, waxaana ugu tagnay dad shacab ah oo wanaag badan uu ka muuqdo, hiigsanaya horumar wanaagsan, magaalo nabad ah oo si fiican looga shaqeeyey ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Wada hadal dheer baanu yeelanay kaasi oo ku saabsanaa xiriirka u dhaxeeya Dawladda Puntland iyo Jubbaland oo aad ogtihiin xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dawladood kaasoo ku dhisan horumarinta midnimada Soomaaliya ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in hada wixii ka dambeeya in isu imaatinka iyo iska warqabka ay joogto noqanon doonto si kor loogu qaado xiriirka walaalnimo ee soo jireenka ah ee u dhaxeeya Dawladda Puntland iyo Maamulka Jubbaland.

” Waxaan salaan gaar ah idiinka wadaa Madaxeynaha iyo dhammaan shacabka reer Jubbaland, waxaana ay idiin hayaan wanaag badan iyo abaal intaba ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online