Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kormeeray Dekeda Kismaayo.[Masawiro]
March 4, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdiga a socda oo ay weheliyaan Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Max’ed Islaan “Axmed Madoobe” iyo masuuliyiinta kala duwan ee maamulkaas ayaa maanta 04 March, 2015 soo kormeeray dekeda weyn ee magaalada Kismaayo, qaar ka mid ah hay’adaha Dawladda Jubba-land ee magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Max’ed Islaan “Axmed Madoobe” ayaa warbixin faah-faahsan ka bixiyay qaabka ay u shaqayso dekedda magaalada Kismaayo, isagoo tilmamay in ay muhiimad weyn u leedahay Dawladda Jubba-land isla markaana ay mustaqbalka dhow ballaarin doonaan.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa ku amaanay Dawladda Jubba-land iyo madaxdeeda waxqabadka muuqda ee ay sameeyeen mudadii yarayd ee ay xilka hayeen iyo sida wanaagsan ee ay uga shaqaynayaan horumarinta Jubba-land iyo shacabka ku dhaqan.
no images were found
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.
–DHAMMAAD–