Madaxweynaha DFS oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
March 26, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ka dib safar shaqo uu labo maalin qaatay oo uu ku tagay degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Dhuusamarreeb waxaan uu u tagay in uu isku dayo in uu xaliyo kala argti duwanaanta siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobalada dhexe waxaana ay isku khilaafsan yihiin halka lagu qabanayo shirka maamulka u sameynta Gobollada Dhexe.
Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo waxgaradka iyo siyaasiyiinta ku sugan iyo ergada Dhuusamarreeb ay isku af garan waayeen halka rasmiga ah ee lagu qabanayo shirka maamulka u sameynta Gobollada Dhexe.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo jeediyey in shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe lagu qabto magaalada Cadaado halka ergada ku sugan Dhuusa-mareeb ay ku adkeysanayaan in shirka lagu qabto magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobalka Galgaduud.
A/Cawale
Halgan.net