Madaxweynaha DFS oo la filayo in uu gaaro degmada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud
March 24, 2015 - Written by EditorDhuusamareeb:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa la filayaa in uu goordhaweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud waxaan halkaas ku sugaya masuuliin ka tirsan maamulka gobalka Gal-gaduud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Diyaaradii qaadi lahayd wafdiga Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ay ku soo degtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, dhinac kale magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa aad loo adkeeyey amaanka guud ee magaalada iyo gaar ahaan garoonka Diyaaradaha ee Degmada Dhuusa Mareeb.
Shacabka ku dhaqan Degmada Dhuusamareeb oo ay horkacayaan masuuliin ka tirsan gobalka Gal- gaduud oo u horeeyo Cirfo gudoomiyaha gobalka Galgaduud ayaa ku jira qaban qaabo ay ku soo dhaweynayaan wafdiga madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud.
Socdaalka Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud ayaa ku soo beegmaya xili maalinta beri ah la soo xiri doono shirkii dib u hishiisiinta ee beelaha ee ka socdya magaaada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud iyadoo shirka lagu gudoomiyey in shirka maamul u samaynta Gobollada dhexe lagu qabto degmada Dhuusamareeb taas oo khilaafsan go’aankii dowladda Federaalka oo aaa in shirka maamul u samaynta gobollada dhexe lagu qabto degmada Cadaado
A/cawaale
Halgan.net