Madaxweynaha DFS oo la kulmay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi (Masawiro)

March 15, 2015 - Written by Editor

1Qaahira:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Sharm El Sheikh kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi .

Kulankaasi ayaa ugu horeyntii waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu Madaxweye Al-Sisi iyo shacabka Masar ugu hambalyeeyay qabsoomidda shirka caalamiga ah ee maalgashiga iyo dhaqaalaha Masar oo maanta lagu soo gabagabeynayo magaalada Sharm El Sheikh.

Labada hoggaamiye ayaa kulankooda diiradda ku saarey iskaashiga labada dal, kal xog qaadasho arrimaha Soomaaliya iyo dunida Islaamka iyo qodobo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankaasi ka sheegay horumarka dhanka siyaasadda iyo nabadgelyada ee ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso, isagoo dhanka kalena ka dalbadey Masar inay kaalin ka qaadato sidii caalamka iyo dunida Carabta ay iskaashi buuxa ula sameyn lahaayeen Soomaaliya.

‘’Soomaaliya waa dal kheyraad kala duwan uu Ilaahay ku maneystey. Colaaddii muddada dheer socotey kadib, hadda waxaan diyaar u nahay inaan caalamka intiisa kale wax la qeysano. Marka waa in dunida Carabta iyo caalamka intiisa kale ay ogaadaan in Soomaaliya aaney khatar ku ahayn nabadgelyada caalamka, isla markaana ay dunida inteeda kale wax la qabsan karto maadaama aanu kheyraad badan leenahay. Walaalaheena Masar waxan ka codsanayaa inay suuqyadooda inoo furaan si aan badeecadeheena ugu iibino’’, ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa dhankiisa sheegay in waajib uu ka saaran yahay inuu Soomaaliya ka taageero dhinaca nabadgelyada iyo mashaariicda horumarka.

no images were found

Labada madaxweyne ayaa kulankaasi ka sheegay inay diyaar yihiin xubnaha guddi iskaashi oo ay yeelanayaan Soomaaliya iyo Masar oo horey loogu heshiiyey. Guddigaasi ayaa la filayaa in shirka Jaamacadda Carabta ee ka dhici doona Qaahira ay ku kulmi doonaan, si ay u bilaabaan fulinta heshiisyada iskaashiga dhaqaalaha, nabadgelyada , dhaqanka iyo arrimaha bulshada ee hore labada madaxweyne u gaareen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulankaasi u la yeeshay dhiggiisa dalka Masar, waxaa ku wehliyey Wasiirrada Isgaarsiinta, Guuleed Xuseen Qaasim, Batroolka, Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali, la taliyaha madaxweynaha Daahir Maxamuud Geelle iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
Sharm El Sheikh.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online