Madaxweynaha DFS oo wili kulamo la leh waxgaradka iyo Odayaasha G/ dhexe (Masawiro)
March 25, 2015 - Written by EditorGalgaduud:-Wararka ka imaanaya magaalada dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in wili madaxweynaha DFS uu kulamo kala duwan la leeyahay waxgaradka iyo Odayaasha ku sugan Degmada Dhuusa-mareeb .
Odayaasha iyo waxgaradka ku sugan Degmada Dhuusa-mareeb ayaa waxa halkaas uga socday shirka dib u heshiisiinta gobalada dhexe waxaana ay madaxweynaha ka codsadeen in shirka Maamulka loogu dhisayo gobalada dhexe loo soo wareejiyo Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobalka Galgaduud.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka ee gobalada dhexe in ay tagaan magaalada Cadaado halkaas oo ay balantu ahayd in lagu qabto shirka Maamul u sameynta gobalada dhexe balse waxaa arinkaas ka biyo diidan qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgarad ka soo jeeda gobalka Galgaduud.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka gooni gooni ula shiray Ugaasyada iyo waxgaradka ku sugan Degmada Dhuusa-mareeb waxaana kulamadaas banaanka ka joogay warbaahinta ilaa haatana lama yaqaan wax kulamada looga hadlay ama ka soo baxay.
no images were found
Siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobalada dhexe ayaa isku khilaafsan halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobalada dhexe waxaana madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud uu ku mashquulsan yahay in xal laga gaaro kala aragti duwanaanta ka jirta gobalada dhexe.
A/Cawale
Halgan.net