Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo safar ku tegay dalka Masar[Masawiro]

March 13, 2015 - Written by Editor

DSC0112313 Maarso 2015, Sharm El Sheikh: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaarey magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar halkaas oo uu kaga qeybgalayo shir madaxeed looga hadli doono horumarinta dhaqaalaha Masar.

Shir madaxeedkan ayaa la filaya inay ka soo qeybgalaan madaxda waddamada dunida qaarkood, shirkadaha caalamiga ee ganacsiga iyo maalgashiga , ururro caalami ah iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inta uu joogo Masar inuu kulamo la qaato madaxda dalalka ka qeybgalaya shirkan, madaxda shirkadaha ganacsiga iyo mas’uuliyiin kale oo daneynaya inay Soomaaliya maalgashi ku sameeyaan.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin wasiiro, mas’uuliyiin kale iyo ganacsato, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Sharm El-Sheikh si diiran ugu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Masar Mudane Ibrahim Mehleb, saraakiil sare iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira.

no images were found

Dhamaad
Daud Aweis 

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online