Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

March 16, 2015 - Written by Editor

unnamed-98Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii u magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar kaga soo qeybgaley shirkii caalamiga ahaa ee dhaqaalaha iyo maalgashiga Masar.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, baarlamanka, taliyeyaasha ciidammada iyo mas,uuliyiin kale.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa dalka Masar waxaa uu khudbad ka jeediyay shirkaasi ku saabsanaa dhaqaalaha Masar, isagoo sidoo kale kulamo la qaatey Madaxweynaha Masar, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo wufuud kale.

Xubnaha wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Isgaarsiinta, Guuleed Xuseen Qaasim, Batroolka, Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali iyo Wasiir ku Xigeenka Qorsheynta Cabdullaahi Sh. Cali, ayaa iyaguna waxay kulamo muhiim ah la qaateen wasiiro iyo madaxda shirkado caalami ah,iyagoo ka wadahadley horumarinta iyo maalgashiga Soomaaliya.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online