Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed oo magacaabay wasiiro hor leh (Masawiro)
March 3, 2015 - Written by EditorBaydhabo:-Munaasabad balaaran oo si weyn loo soo agaasimay ayaa ka dhacaday maanta Madaxtooyada Maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya, ayaa waxaa lagu magacaabay Wasiiro hor leh oo uu yeelan doono Maamulka. K/galbeed ee Soomaaliya.
Madaxweynaha K/galbeed ee Soomaaliya Shariif Xassan Sh Aden ayaa waxaa uu magacaabay wasiirka Wasaaradda xanaanada xoolaha ee K/galbeed ee Soomaaliya Madoobe Nuunoow Maxamed oo ahaa Madaxweynaha Maamulka 6-da gobal.
Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in uu ku qanacsan yahay xilka loo magacaabay wuxuuna sheegay in uu raali ku yahay .
Xaflad lagu qabtay Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ayaa madaxweynaha K/galbeed ee Soomaaliya waxaa lagu magacaabay 5 Wasiiro, 6 Wasiiru Dowlayaal iyo 29 Wasiir Ku Xigeeno.
no images were found
Madaxweyne Shariif Sh Aden ayaa waxaa uu horey u magacaabay 24 wasiir.Odayaasha iyo waxgaradka Bay iyo Bakool ayaa ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafka ka dhex aloosnaa siyaasiyiinta ka soo jeeda Bay iyo Bakool kuwaa oo isku khilaafsanaa dhismaha Maamulka K/galbeed ee Soomaaliya .
A/Cawale
Halgan.net